RASMI: Ninkii Liverpool-Sha Cusub Dhisay Oo Iscasilay, Chelsea & Man City Oo Hogaaminaya Tartanka David Alaba Iyo Wararkii Suuqa Ee Maanta Oo Jimce Ah.

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu, ciid mubaarik kulu caam wantum bil khayr. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii maalin laha ahaa ee waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo jimce ah. Wargayskastaaba waxyaabihii uu suuqa ka qoray ayaanu hal meel idiinku soo koobnay.

 

the sun

  • Difaaca Manchester City ee John Stones  ayaa dib ula midoobi kara macalinkiisii hore ee Everton ee  David Moyes oo hadda hogaaminaya West Ham wuxuuna Stones ka mid yahay ciyaartoyda uu Guardiola ka nadiifinayo Etihad Stadium.

 

  • Goolhayaha labaad ee Man United ee Sergio Romero ayaa wada xaajood la yeelan doono maamulka kooxdiisa kadib markii ay soo baxday in goolhayaha amaahda ku maqnaa ee Dean Henderson  uu kooxda ku soo laabanayo waxayna taasi sii xumaynaysaa fursadii Romero.

 

daily mirror
  • Xidiga Liverpool bartilmaameedka u ah ee Thiago Alcantara ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxayo kooxdiisa Bayern Munich taas oo soo dadajin karta fursada uu Anfield ugu soo biiri karo.

 

  • Manchester United ayaa 17.5 milyan gini ka heli doonta lacagta ay Crystal Palace ku qiimaysay xidiga bixitaanka diyaarka u ah ee Wilfried Zaha kaas oo la dul dhigay qiimo lacageed oo gaadhaya  £70 milyan waxayna United lacagtan ku helaysaa qodob hore ugu jiray heshiiskii uu Zaha kaga baxay Old Trafford.

 

  • Kooxda Premier League ka dhisan ee Brighton ayaa isha ku haysa in ay Arsenal kala soo wareegto Ainsley Maitland-Niles.
daily mail
  • Liverpool ayaa war fiican oo xoojin ah ka heshay xidiga ay doonayso in ay la soo wareegto ee Thiago Alcantara kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu xagaagan ka baxayo Allianz Arena.
daily express
  • Kooxda in ay Champions League u soo baxdo ku fashilantay ee Leicester City ayaa isha ku haysa in ay kooxda heerka labaad u dhacday ee Bournemouth kala soo wareegto David Brooks laakiin waxay tartan kala kulmaysaa kooxaha West Ham, Newcastle iyo Crystal Palace.

 

  • Liverpool ayaa diyaar u ah in ay soo cusboonaysiiso xiisii difaaca kooxda Bournemouth ee Lloyd Kelly kadib markii ay Reds xidigan seegtay xagaagii hore isla markaana ay kooxda Bournemouth heerka labaad udhacday.
daily star
  • Kooxda doonaysa in ay xamaasadeedii waalida ahayd ka bilawdo Premier League ee Leeds  United oo heerka labaad ka soo dalacday ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xidigaha khibrada badan leh ee Fabian Delph iyo Danny Rose.
the times
  • Gabadha maal qabeenada Saudi Arabia masuulka uga ahayd heshiikii ay ku doonayeen iibka Newcastle United ee Amanda Staveley ayaa kooxaha Premier league ku eedaysay in ay ahaayeen sababta dhabta ah ee maamulka Premier league u ansixin waayay dalabkii 300 milyan ahaa ee ay maal qabeenada Saudi Arabia ku iibsanayeen kooxda Newcastle.
daily telegraph
  • Kadib burburkii ku yimid heshiiskii maal qabeenada Saudi Arabia ee kooxda Newcastle United waxaa wali suurtogal ah in kooxdani ay mulkiile cusub yeelan doonto ka hor xili ciyaareedka cusub waxaana tartanka soo galay maal qabeenka Maraykanka ah ee Henry Mauriss kaas oo doonaya in uu iibsato Newcastle.

 

  • Kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa hogaaminaya tartanka wayn ee loogu jiro saxiixa difaaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba kadib markii ay burbureen wada xaajoodyadii heshiiska loogu kordhinayay.
daily record
  • Steven Gerrard ayaa war buuxa ka helay xidiga kooxdiisa Rangers ee Jordan Jones kaas oo cadeeyay in uu ka baxayo Rangers.

WAR CUSUB:

Madaxa fulinta kooxda Liverpool ee Peter Moore oo shaqo layaableh soo qabtay ayaa go’aan buuxa ku gaadhay in uu ka dhaqaaqo Anfield isaga oo baxaya bisha August ee barri bilaami doonta  waxaana booskiisa buuxin doona Billy Hogan. Moore waxa uu ku suntan yahay horumarkii layaabka lahaa ee ay Reds suuqa ka soo samaysay sanadihii ugu danbeeyay. (Liverpool)

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Peter Moore uu iska casilay shaqadii kooxdiisa ee madaxa fulinta kadib saddex sanadood ee guulo layaableh uu kooxda soo gaadhsiiyay waxayna arintani Reds ku tahay dhirbaaxo wayn oo maamulkii kooxdeeda soo gaadhay.

Image

Jamaahiirta Liverpool ayay naxdin ku noqotay markii uu hadda soo baxay warka is casilaada Peter Moore maadaama oo ay si layaableh ugu qanacsanaayeen horumarkii uu kooxdooda gaadhsiiyay saddexdii sanadood ee uu joogay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.