Nin Weyn Oo Hadal Ka Dhacay!! – AKHRISO Hadalka Maanta Baraha Bulshada Ruxaya Ee Uu Arturo Vidal Yidhi Kahor Kulankii Barcelona vs Bayern

Kooxda Barcelona ayay xalay bahdilaad dhammaystiran badan dhigeeda ree Germany ee Bayern Munich oo 8-2 ku jiid-jiiday kulan UEFA Champions League ah oo dalka Portugal ka qabsoomay.

Xataa erayga bahdilaad ayaa u muuqda mid naxariis u noqonaya Barcelona marka loo isticmaalo kulankii xalay, kooxdaas ayay tahay inay ku faraxdo inuusan jirin kulan kale oo lug labaad ahi xilli ciyaareedkan.

It was a horrible night for Barcelona

Bayern Munich ayaa wakhtigii nasashada hoggaanka ku haysay 4-1 kaddib goolal ay ka kala heshay Ivan Perisic, Serge Gnabry iyo laba gool oo uu dhaliyay Thomas Muller.

Joshua Kimmich, Robert Lewandowski iyo xataa Philippe Coutinho oo laba gool iyo caawin sameeyay ayaa iyaguna qaybtii dambe shabaqa gaadhay si ay kulanka uga dhigaan mid ceeb ah.

Xalay ayaa habeen aad u adag ku ahayd kooxda uu tababaraha ka yahay Quique Setien xilli uusan jirin qof filanayay inay Bayern sidaas raaxada leh uga adkaan doonto.

Si gaar ahaaneed xiddiga khadka dhexe ee Arturo Vidal ayay u ahayd habeen madaw maadaama oo uu hadalo culus oo hanjabaadi ka dhex muuqato yidhi kahor ciyaartaas.

Kulanka kahor ayuu Vidal sheegay inay Bayern la ciyaarayso kooxdiisa Barca oo uu ku sifeeyay mida ugu wanaagsan dunida oo aysan la ciyaarayn koox horyaalka Bundesliga ka tirsan oo meel dhexaad ah.

Vidal ayaa isaga oo farriin usii dirayay kooxdiisii hore yidhi “Bayern waxa ay la ciyaari doontaa kooxda ugu wanaagsan dunida, Barca”

“Iyagu kama hortagayaan koox Bundesliga ah oo meel dhexaad ah, waxa uu noqon doonaa kulan ciyaareed caadi ah, waxa iyaga u wanaagsan inay noo diyaar garoobaan sababtoo ah waxaanu eegaynaa loolanka”

Arrinta kale ee kulanka kaddib ceebta isku bedeshay ayaa ah in xataa bogga rasmiga ah ee Barcelona ee Twitter-ka lagu baahiyay hadalka Vidal oo qoraal ah.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

3 Comments

  1. Ish ciyaar bay nagu wareeriyeen adeer afar musalsal oo jacayl ah noo soo falan qeeya aduunkaba inamadan yaree surwaalka gaaban baan u necee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.