Neymar JR Oo Amaanta Ka Haysan Waayay Liverpool Iyo Tababare Klopp Xilli Uu Ka Hadlay Haddii Ay Horyaalka U Tartami Doonaan Markale

Cyaaryahanka Kooxda Paris Saint Germain iyo Xulka Brazil ee Neymar ayaa ka hadlay kooxda dhawaan kusoo guuleysatay Premier League ee Liverpool iyo tababaraheeda Jurgen Klopp isagoo sheegay in Kooxda Reds ay markale u tartami doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Neymar oo 28 jir ah ayaa la filaayaa inuu safan doona kulanka finalka Champions League ee Habeenka axada markaasoo kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee PSG ay iska hor imaan doonaan kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich.

Para fazer inveja a Guardiola e Cristiano Ronaldo: Klopp e Neymar ...

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil oo ah ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka ayey kooxda PSG kala soo wareegey kooxda Barcelona sanadkii 2017 iyadoo ay kasoo bixisay aduun dhan 222 milyan euro, laacibkan ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareed wanaagsan inkastoo uu dhaawacyo qabo hadana waxaa uu u dhaliyay 19 gool isla markaana caawiyay 12 kale, 29 kulan oo uu u saftay dhammaan. tartamada.

Ka hor kulanka berri ee finalka Champions League, Neymar ayaa amaan ugu qubeeyay kooxda Ingariiska ee Liverpool iyo Macalinkeeda isagoo ku doodaya in kooxda Merseyside ay mar kale u tartami doonto xilli ciyaareedka soo socda hanashada horyaalka ka dib markii ay ku guulesyteen horyaalka Premier League markoodi ugu horeysay 2019-20.

28-jirkan ayaa u sheegay Daily Star in uu rumeysan yahay in kooxda Jurgen Klopp ay ciyaaraan kubada cagta ugu quruxda badan qaarada yurub, wuxuu yiri: “Labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay Liverpool waxay ciyaartay kubada ugu fiican qaarada Yurub.

“Xilli ciyaareedkii hore waxay ku guuleyseen Champions League, xilli ciyaareedkana waxay ki guuleystee horyaalka inkastoo uu adkaa hadana waxay ugu guuleysteen Premier League si raaxo leh.

Sidoo kale laacibka mar uu ka hadlaayay macalinka Klop ayaa waxa uu usoo jeediyay Amaan aan kala joogsi laheyd isagoo ku amaanay qaabka uu dhisay kooxda Liverpool Wuxuuna Yidhi“Macalinkooda wuxuu dhisay koox xoogan xilli ciyaareedka soo socda waan hubaa inay mar kale u tartami doonan.” ayuu kusoo gagabeyey hadalkiisa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.