“Napoli Way Joojin Kartaa Lionel Messi Haddii…..” – Xiddig Napoli Ah Oo Hore U Aamusiiyay Messi Oo Markale Isku Diyaarinaya Inuu Murug Bado

Daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kostas Manolas ayaa sheegay in kooxdiisu ay joojin karto kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo ay isaga hor iman doonaan Sabtida gegida Camp Nou kulan ka tirsan wareega 16-ka ee Champions League.

Manolas ayaa ah mid si fiican u garanaya waxa ay ka dhigan tahay in garoonka dhexdiisa lagu aamusiiyo Messi isla markaana murug loo bado maadaama oo uu kamid ahaa kooxdii AS Roma ee xilli ciyaareedkii 2017-18 ka reebtay tartankan.

FIFA 20: Kostas Manolas – FUT Birthday SBC – Requirements ...

Ugu horreynba, Kostas Manolas ayaa sheegay inuu dhawaan la kulmay halyeeyga kooxdiisii hore ee Roma isla markaana uu ka helay dhiirigelinta ah inuu markale joojin karo Messi.

Manolas ayaa aaminsan aragti ka duwan mida halyeeyo waaweyn oo kubadda cagta ah waxaana uu qabaa inay istaajin karaan Leo balse shuruud uga dhigay in xiddigaha kooxdiisu aysan marka hore wax cabsi ah ka muujin hibada 33 sano jirka ree Argentina.

Manolas oo ugu horreynba il-wareedka La Repubblica uga warramaya inuu Totti la kulmay ayaa yidhi “Waxaan la kulmay Totti waxaana uu igu yidhi “Kostas-ka dhiiran, markale isku day”

Markale daafaca ree Greece oo sharraxaya sida Messi loo celin karo ayaa yidhi “Waxaad u joojinaysaa Messi ka koox ahaan adiga oo aan cabsi ka qabin hibadiisa, aragtidayda isagu waa midka ugu wanaagsan dunida marka la eego tayadiisa iyo caqli badnaantiisa kubadda cagta”

Napoli ayaa qabtay wer-wer dhaawacyo kaga imanaya waxaana kamid ah xiddigaha ka dhawaacan kabtan Lorenzo Insigne kahor inta uusan isaga qudhiisu dhawaan sheegin inuu diyaar yahay.

Insigne ayaa yidhi “Cadaadiska oo dhammi iyaga ayuu saaran yahay, anigu waan wanaagsanahay, xanuunkii feedhaha iga hayay wuu i dhaafay”

Waa cajiib in taageerayaasha Real Madrid ay i sharfaan” – Kostas ...

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

  1. Kaas waa iska hadlay ee hadduu wax qabankaro waaba looga fadhiya lkn messi waa bini aadam waana la qaban kara lkn khibrad ayuu ku dhaafaya

Leave a Reply

Your email address will not be published.