Napoli Oo Suuqa Soo Dhigtay Koulibaly, Chelsea Qarka U Saaran Havertz, Man United Oo Deg-deg Uga Hawl-gelaysa Sancho Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaraha

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Sabti ah.

Barcelona waxay bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigatay 19 jirka difaaca uga ciyaara Manchester City ee Eric Garcia oo u dhashay waddanka Spain. (Goal)

Chelsea iyo Bayer Leverkusen ayaa qarka u saaran inay heshiis buuxa ka gaadhaan kala-iibsiga kubbad-sameeyaha reer Germany ee Kai Havertz. 21 jirkan ayaa noqon doona saxeexii saddexaad ee Chelsea. (Teamtalk)

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emeric Aubameyang ayaa ku dhowaaday bishii January inuu u wareego Chelsea, laakiin Blues ayaa ka gaabisay inay buuxiyo dalabka mushaharka aadka u sarreeya ee uu 31 jirkani doonayo. (Mail)

Madaxweynaha Napoli, Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay in difaaca kooxdiisa ee Kalidou Koulibaly oo Senegal u dhashay uu iib yahay, laakiin kooxda doonaysa ay tahay inay bixiso £81 milyan oo Gini. (Sky Italia)

Everton waxay dalab ka gudbisay difaaca Real Madrid ee Sergio Reguilon oo 23 jir reer Spain ah oo amaah ugu maqan Sevilla. Waxay Everton dul-dhigtay £18 milyan oo Gini. (Sky Sports)

Ole Gunnar Solskjaer wuxuu doonayaa in Manchester United ay hore u dhaqaajiso hawl-galka Borussia Dortmund lagagala soo wareegayo weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho oo 20 jir ah, si ay uga badbaadaan inay la kulmaan xaaladdii Harry Maguire oo kale. (ESPN)

Borussia Dortmund waxay isku dayaysaa inay lasoo saxeexato laacibka reer Nethalands ee Memphis Depay oo ah 26 jir hore ugu ciyaari jiray Manchester United, haddana ka tirsan Lyon. Waxay u rabaan inuu buuxiyo booska Sancho. (Bild)

Manchester United waxay u baahanaysaa in la wargeliyo haddii Borussia Dortmund ay dalab kasoo gudbiso Memphis Depay, sababtoo ah heshiiskii ay Lyon kaga iibisay ayuu ku jiray qodob wax ka siinaya lacagta lagu iibiyo. (Star)

Khadka dhexe ee Barcelona ee Philippe Coutinho oo 28 jir ah, ayaa loo bandhigay Arsenal iyo Tottenham, waxaana suurtogal ah inuu tago Gunners oo kaliya ay ka xigto inay miiska u saarto Barca lacag dhan £9 milyan oo Gini iyo Matteo Guendouzi oo wada socda. (Independent)

Real Betis ayaa xiisaynaysa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Dani Ceballos oo ay amaah kaga soo qaadatay Real Madrid. Xiddigan ayaa uu dhamaanayaa xagaagan heshiiskii sannadka ahaa ee uu Gunners kula joogay. (Onda Cero)

Barcelona iyo kooxda Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham ayey mid walba dhinaceeda ula xidhiidhay xiddiga reer Brazil ee Willian. 31 jirkan ayay maalmo kooban ka hadhsan yihiin heshiiskii uu kula joogay Chelsea. (Sky Sports)

Weeraryahanka Bournemouth ee Callum Wilson oo 28 jir ah, wuxuu u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa inuu iskaga tegayo naadigan oo heerka labaad u dhacay, kuna biiri doono naadi ka ciyaara horyaalka Premier League. (Telegraph)

Tottenham waxay go’aansatay in aanay iibinin laacibkeeda khadka dhexe ee Tanguy Ndombele oo 23 jir ah. Inter Milan ayaa xiisaynaysay laacibkan reer France. (PA)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.