Muxuu Solskjaer Ku Jawaabay Markii La Weydiiyay In Paul Pogba Real Madrid Doonayo? Halkan Kaga Boggo Jawaabta Macalinka Man United

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hadalkii kasoo yeedhay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Paul Pogba kaas oo toos u qirtay inuu ku riyoodo inuu ka ciyaaro kooxda ree Spain ee Real Madrid.

Ciyaaryahanka Man United lacagta rekoodhka ah ee 89-ka Milyan ee Pound ah ugu qiimaysan ayaa suuqyadii ugu dambeeyay si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxda Zinadine Zidane.

Paul Pogba: Solskjaer comments on Man Utd star's future at Old Trafford amidst Real Madrid links | The SportsRush

Pogba ayaanay ahayn markii ugu horreysay ee isaga oo ku maqan xulkiisa France uu sheego inuu doonayo inuu ku biiro Los Blancos halka wakiilkiisa Mino Raiola uu si toos ah u sheegay dhawr jeer inuu ka tagi karo Old Trafford.

Haatan Solskjaer oo ka hadlay arrimahaas ayaa u muuqda mid aan cadaadis weyn ku dareemayn isaga oo sheegay inuu Pogba yahay ciyaaryahan kooxdooda ah isla markaana ay filayaan inay Pogba-ha ugu wanaagsan arki doonaan.

“Paul waa ciyaaryahankayaga, waxa uu halkan sii joogayaa laba sano oo kale waanan hubaa inuu diirada saarayo inuu waxa ugu wanaagsan anaga noo sameeyo” ayuu yidhi macalinka ree Norway.

“Waxaan doonaynaa inaanu aragno Paul-ka ugu wanaagsan waanan hubaa inaanu dhawrka sano ee soo socda qaab ciyaareedkiisa ugu fiican kasoo saari karno”

Heshiiska rasmiga ah ee Pogba kula joogo Red Devils ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan balse kooxda ayaa haysata dookha ah inay sanad kale oo dheeri ah ku dari karto.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.