Muuqaal Lionel Messi Looga Duubay Qolka Labiska Barcelona Ka Dib Xasuuqii Xalay Oo Soo Ifbaxay Xilli Lagu Eedeeyay Inuu Isdhiibay

Lionel Messi ayaa wajahay ceebtiisii ugu weyneyd isagoo ciyaaryahan Barcelona ah xalay iyadoo kooxdiisa ay xasuuq 8-2 kala kulantay kooxda Bayern Munich taasoo aheyd rikoodh cusub.

Kabtanka Barcelona ayaa ka hor kulankii xalay la sheegayay inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda ka dib markii ay ku guuldareysteen hanashada horyaalka La Liga.

Messi oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay 12 bilood kale ayaa la sheegayay inuu ka fiirsanayo inuu ka tago kooxda ka dib markii ay isku dhaceen madaxda kooxda halka uu sidoo kale ku qanacsaneyn hogaaminta tababare Quique Setien.

Suurtogalnimada uu 33 jirkaan ku bixi karo ayaa sarre u kacday xalay ka dib xasuuqii ka soo gaartay Bayern Munich.

Sida uu u niyadjabay iyo aamusnaantii ka soo hartay kabtanka Barcelona ayaa lagu soo bandhigay muuqaal lagu dhex duubay qolka labiska waqtigii nasashada.

Messi ayaa ahaa mid niyadjabsan oo aan booskiisa ka dhaqaaqin isagoo madaxa hoos u raaricinayay, waxaa isna la mid ahaa goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo isna anfariir albaabka la taagnaa.

Bayern ayaa 4-1 ku hogaamineysay ciyaarta markii muuqaalkaan la duubay iyagoo dhaliyay afar gool kale qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo xiddigii hore ee Real Madrid Steven McManaman uu ku eedeeyay Messi inuu isdhiibay qeybtii labaad ee ciyaarta.

“Waa xiddig mucjiso, waxaana lagu doodi karaa inuu yahay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta” ayuu McManaman u sheegay BT Sport.

“Laakiin waa inuu si adag u shaqeeyo gaar ahaan habeen sidaan oo kale loo galayo kooxdiisa.

“Wuu isdhiibay caawa, Alaba ayaa kubad la hareermaray, waxay aheyd inuu shan mitir kaliya daba ordo, xitaa ma uusan dooneynin inuu ordo.”

Daawo Muuqaalka

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.