Mustaqbalka Goolhayaha Barcelona Ee Marc-Andre Ter Stegen Oo Dhinac U Dhacay – Miyuu Ka Baxayaa Camp Nou?

Goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre Ter Stegen ayuu mustaqbalkiisu si buuxda u saldhigayaa, iyadoo ay meesha ka baxayso mugdigii hore ee ku dahaadhnaa ee ku werwerka gelinayay kooxda reer Spain.

Goolhayaha reer Germany ayaa waxa oo ogolaaday inuu qalinka ku duugo heshiis uu waqtiga ugu dheeraynayo Barcelona, kaas oo muddadiisu tahay shan sannadood oo socon doona illaa sannadka 2025.

Sida uu qoray wargeyska El Mundo Deportivo, kooxda reer Spain ayaa ku qancisay Marc-Andre Ter Stegen inuu sii joogo kooxda oo uu saxeexo heshiis waqti dheer ah, iyadoo dhinaca kalena ay masuuliyiinta naadigu ku hawlan yihiin in Ter Stegen ay dhaadhiciyaan inuu mushahar dhimis sameeyo, maadaama kooxdu ay dhaqaale xumo soo food-saartay.

Barcelona ayaa u adeegsatay qancinta Marc-Andre Ter Stegen tababaraha goolhayaha ee Jose Ramon de la Fuente oo fure u noqday sidii uu laacibkani ugu sii negaan lahaa kooxda, heshiiskiisana ugu sii dheerayn lahaa.

Ter Stegen ayaa heshiiskiisa hadda uu kula jiro Barcelona waxa uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022 kaas oo ahaa kordodhkii la sameeyey sannadkii 2017kii, laakiin wada-hadallada  qandaraaska cusub ee mar kale waqtiga lagu sii dheeraynayo ayaa istaagay markii uu Korona Fayrasku dunida kala xidhay.

Wargeysla El Mundo Deportivo waxa kale oo uu sheegay in kooxda reer Catalonia ay waqtigan si xawli ah u dardar gelinayso cusboonaysiinta heshiiska Ter Stegen, si ay dammaanad mustaqbalkiisa ah u hesho inta aanu waqtigiisu dhowaanin ee aanay kooxo kale soo hungurayn.

Chelsea ayaa xagaagii dhowaa xiise weyn u muujinaysay Marc-Andre Ter Stegen ka hor intii aanay lasoo saxeexanin Edouard Mendy oo ay Rennes kasoo qaateen, kaas oo u beddelaya Kepa Arrizabalga oo ay ka cabanayaan bandhiggiisa hooseeya.

Si kastaba, 28 jirkan oo ay Barcelona sannadkii 2014kii kala soo wareegtay Borussia Monchengladbach, ayna kasoo bixiyey 12 milyan oo Euro oo kaliya ayaa waxa uu yahay laf-dhabarta kooxda, waxaana la’aantii ay geli lahaayeen mushkilad.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.