MUSIIBO Kale!! – Cadhadii Lionel Messi Oo Heer Kale Gaadhay, Madaxda Sarre Ee Barca Oo Qorshe U Maleegaysa & Xogtii Ugu Dambaysay

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu ka cadhaysan yahay dhacdo kale oo dhawaan dhacday iyadoo uu marka horeba shaki weyni ku jiro mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib xilli ciyaareed madaw oo ay soo qaateen.

Tababaraha cusub ee dhawaan loo magacaabay Barcelona ee Ronald Koeman ayaa kulan la yeeshay Messi iyagoo ka wada hadlayay mustaqbalka xiddigaas iyo waxa uu doonayo.

Sida uu hadda sheegayo il-wareedka Clarin, Lionel Messi ayaa ka cadhaysan in waxkasta oo ay isaga iyo tababare Ronald Koeman ay banaanka u baxeen oo saxaafada gaadheen cidkastaana ogaatay.

Wadahadalkaas ayaa ahaa mid la aaminsan yahay in Messi uu macalinka ree Holland u sheegay inuu arko in fursada uu kooxda kaga tagayaa ay ka badan tahay mida uu kusii joogayo.

Clarin ayaa intaas ku daraya in Messi uusan ka cadhoon in wararka laga baahiyay ee sheegaya inuu baxayaa ay kuwo aan waxba ka jirin yihiin balse uu ka cadhaysan yahay in ugu horreynba xogta la helay oo uu helay wargeyska RAC 1.

RAC 1 ayay sabab kale oo la sawiran karo in Messi uu ka cadhooday ay noqon kartaa maadaama wargeyskaasi uu ku dhaw-dhaw yahay xafiiska madaxweyne Josep Maria Bartoemu kaas oo uusan Leo marka horeba ku qanacsanayn qaabka uu kooxda u wado.

Messi ayaa sidoo kale la xusayaa inuu aaminsan yahay in maamulka Barcelona ay wadaan qorshe ay isaga kaga dhigayaan midka kooxda ka cararaya ee doonaya inuu iskaga tago isaga oo aan u dagaalamin iyagoo adeegsanaya saxaafada.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.