Mushaharka Toddobaadlaha Ciyaartoyda Chelsea Ee Xili Ciyaareedka Dambe Oo La Shaaciyey – Halkee Ayuu Kai Havertz Ka Gelayaa Haddii Uu Yimaaddo Blues?

Chelsea waxay si xooggan iskugu diyaarinaysaa xili ciyaareedka dambe, waxaanay samaysay saxeexyo uu Frank Lampard doonayo inuu sare ugu qaado awoodda iyo tayada kooxdiisa, laakiin waxa kale oo ay ku raad-joogaan kubbad-sameeyaha da’da yar ee Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Blues oo hore usoo iibsatay Hakim Ziyech iyo Timo Werner, waxay wararku sheegayaan inay u dhow dahay soo xero-gelinta Havertz oo qiimihiisu 100 milyan oo Euro gaadhayo, waxaanay haddaba usii diyaarisay mushaharka la siin doono.

Chelsea
Chelsea

Weeraryahanka Jarmalka ee ah ee Timo Werner ayaa noqonaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan Chelsea, waxaanu ka sare mari doonaa N’Golo Kante oo hadda ugu sarreeya liiska kooxda.

Werner ayaa usbuucii qaadan doona lacag dhan £200,000 Gini, waxaana ku xigaya Kante iyo Kepa oo min 150,000 Gini u xaadira toddobaadkii, halka uu Christian Pulisic kaalinta afraad fadhiyo oo uu £145,000 Gini qaato.

Liiska ciyaartoyda Chelsea oo ay ka  bixi doonaan Pedro iyo Willian oo heshiisyadoodu dhamaanayaan, laakiin uu Lampard ku dedaalayo inuu xajisto xiddiga reer Brazil oo udub-dhexaad u ahaa intii lagu soo laabtay ciyaaraha, ayaa waxa isbeddel ku dhacayaa shaxda mushahar bixinta kooxda.

Wargeyska Daily Star ayaa daabacay mushaharka toddobaadlaha ah ee Chelsea ee xili ciyaareedka dambe ee 2020/21, waxaana ka dhex-muuqda Kai Havertz oo Blues ay toddobaadkii u diyaarisay mushahar dhan £135,000 Gini, kaalinta shanaadna ka gelaya liiska.

Liiska mushaharka ciyaartoyda Chelsea ee xili ciyaareedka 2020/21 ee wargeyska Daily Star daabacay waa sidan:

Timo Werner – £200,000 – Toddobaadkii

N’Golo Kante, Kepa Arrizabalaga – £150,000 – Toddobaadkii

Christian Pulisic – £145,000 – Toddobaadkii

Kai Havertz – £135,000 – Toddobaadkii

Callum Hudson-Odoi – £130,000 – Toddobaadkii

Ruben Loftus-Cheek – £120,000 – Toddobaadkii

Antonio Rudiger – £115,000 – Toddobaadkii

Tiemoue Bakayoko, Jorginho, Olivier Giroud – £110,000 – Toddobaadkii

Mateo Kovacic – £105,000 – Toddobaadkii

Hakim Ziyech, Marcos Alonso, Michy Batshuayi, Danny Drinkwater – £100,000 – Toddobaadkii

Ross Barkley – £95,000 – Toddobaadkii

Cesar Azpilicueta, Mason Mount – £90,000 – Toddobaadkii

Andreas Christensen – £80,000 – Toddobaadkii

Kurt Zouma – £75,000 – Toddobaadkii

Tammy Abraham – £50,000 – Toddobaadkii

Billy Gilmour – £40,000 – Toddobaadkii

Fikayo Tomori – Lama sheegin

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.