Mushaharka Ciyaartoyda Manchester United Oo Lasoo Bandhigay, Xiddigaha Dulman Iyo Kuwa Lacagta Waallida Ah La Siiyo

Manchester United waxay diyaar u tahay inay heshiis cusub oo mushaharkiisa kor u qaadaya gacanta ka geliso goolhayeeda Dean Henderson oo kasoo laabtay amaah uu ugu maqnaa Sheffield United, isla markaana xalay fiidkii soo gaadhay Red Devils.

Henderson ayay Manchester United hor-dhigtay heshiis cusub oo afar sannadood ah oo uu toddobaadkiina ku qaadan doono mushahar dhan £100,000 Gini, taas oo keenaysa inay isku mid noqdaan Bruno Fernandes oo bishii January ay kala soo saxeexdeen Sporting Lisbon.

Fernandes oo isbeddel weyn ku sameeyey Manchester United intii uu joogay, isla markaana u hagaajiyey khadkii dhexe ee kala daadsanaa, kubbado wanaagsanna gaadhsiiyey weerarkii cidlada ku go’doonsanaa, waxay taasi u sahashay inay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ku dhamaystaan, halka ay semi-finalka Europa League ku reebtay Sevilla.

Si kasta oo uu waxqabadkiisu u badan yahay, Bruno Fernandes waxa uu dulmane ka yahay dhinaca mushaharka waxaana kaliya ka lacag yar Aaron Wan-Bissaka oo isaguna ka mid ah ciyaartoyda ugu waxqabadka fiican, toddobaadkiina u xaadira lacag dhan £90,000 Gini.

Dean Henderson ayay isku mid noqon doonaan Bruno Fernandes marka uu heshiiska cusub saxeexo, waxaanu goolhayahan 23 jirkan ahi sare u kac dhinaca dakhligiisa ah samayn doontaa toddobaad kasta, iyadoo uu hore u qaadanayay £60,000 Gini oo Sheffield United ay bixin jirtay maadaama uu amaah ugu maqnaa.

Goolhayaha reer Spain ee David de Gea oo khaladaad badan sameeyey xili ciyaareedkii tegay, isla markaana la rumaysan yahay in Henderson uu kula tartami doono biraha dhexdooda ayaa toddobaadkii mushahar u qaata £350,000 Gini, waana ninka ugu mushaharka badan naadiga.

Waxa kaalinta labaad ku jira Paul Pogba oo usbuucii u xaadira £290,000, halka saddexaad uu soo cidhiidhsaday Anthony Martial oo £250,000 Gini qaata.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Manchester United:

David De Gea – £19.5 million – £350,000

Paul Pogba – £15 million – £290,000

Anthony Martial – £13 million – £250,000

Marcus Rashford – £10.4 million – £200,000

Harry Maguire – £9.8 million – £189,000

Juan Mata – £8.3 million – £160,000

Luke Shaw – £7.8 million – £150,000

Odion Ighalo – £6.5 million – £125,000

Fred – £6.2 million – £120,000

Victor Lindelof – £6.2 million – £120,000

Nemanja Matic – – £6.2 million – £120,000

Bruno Fernandes – £5.1 million – £100,000

Dean Henderson – £5.1 million – £100,000

Aaron Wan-Bissaka – £4.6 million – £90,000

Dhinaca kale, labada ciyaartoy ee kasoo baxay kulliyadda Manchester United ee Scott McTominay iyo Mason Greenwood ayaa iyaguna ah dulmaneyaal kale oo dhinaca mushaharka ah, waxaanay usbuucii qaataan £60,000 Gini iyo £40,000 Gini.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.