MURUGO: Xiddiga Manchester City Ee Raheem Sterling Oo Looga Shakisan Yahay Cudurka KOFID-19 Iyo Goobta La Rumaysan Yahay Inuu Ka Qaaday

Xiddiga kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa looga shakisan yahay xanuunka Koofid-19 oo la rumaysan yahay inuu ka soo qaaday xaflad uu tegay, halkaas oo qofkii kusoo casuumay uu isagu hadda bukaan yahay oo uu jiifo.

Orodyahanka reer Jamaica ee Usain Bolt ayaa xaflad uu qabsaday ku casuumay Sterling oo asal ahaan kasoo jeeda Jamaica, waxaana labadooda ku wehelinayay marti sharaf kale oo casuumadda joogtay.

Xafladdan oo dhacday Jimcihii, waxa Bolt uu ugu dabbaal-degayay sannad guuradiisa 34aad ee dhalashadiisa, waxaana muuqaallo laga duubay xafladda lagu arkayay iyagoo wada ciyaaraya oo la is dhexyaacayo, laakiin waxa ka dambaysay war murugo leh oo Usain Bolt uu dunida la wadaagay oo ah inuu iskaga shakisan yahay Fayraska Korona oo uu hadda jiifo, isla markaana laga qaaday tijaabooyin caafimaad.

Usain Bolt ayaa shaaciyey inuu isku arkay calaadamaha fayraska oo uu is geliyey karantiil, waxaanau shaaciyey magacyada dhamaan dadkii ay istaabteen ee ay sharaabkana ku wada cabbeen xafladda gudaheeda, waxaana magacyada uu markiiba soo dhigay ku jiray Raheem Sterling.

Warkan oo kusoo beegmay xilli uu tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate uu ku dhawaaqayo liiska xulka dalkaas ee toddobaadka dambe kulamada UEFA Nations League, ayaa waxa kale oo uu dhabar jab ku yahay Pep Guardiola oo xiddigaha kooxdiisu ay kusoo laabanayaan tababarka ay iskugu diyaarinayaan xili ciyaareedka dambe oo bilaabmi doona September 12.

Xiddigan ayaa hadda ku qasban inuu galo karantiil 14 maalmood ah haddii laga helo fayraska, waxaana la diyaarinayaa baadhitaankii lagu hubin lahaa caafimaadkiisa.

Ilo-wareedyo ka agdhow Sterling ayaa warbaahinta u sheegay: “Raheem wuu fiican yahay, kamana muuqdaan calaamadaha xanuunku, laakiin wuxuu si dhow ugu xidhan yahay khubrada caafimaadka ee Manchester City iyo England.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.