Miyuu Thiago Alcantara Aad Ugu Dhaw Yahay Inuu Xiddig Liverpool Ah Noqdo? Halkan Kaga Boggo Xogtii Ugu Dambaysay Ee Heshiiskaas

Heshiiska ay Liverpool ku doonayso kubad sameeyaha Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay mid gabo-gabo ku dhaw iyadoo ay kor usii kacday suurogalnimada uu xiddigaasi Anfield kaga soo degayo.

Liverpool ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay saxeexa Alcantara kaas oo la filayo inuu xagaagan iskaga tagi doono Bayern kaddib toddoba xilli ciyaareed oo guulo ah oo uu lasoo qaatay.

Alcantara ayaa la fahamsan yahay inuu hore heshiis cusub uga doonayay Munich balse kooxda ayay si fiican iskugu fahmi waayeen heshiiska gaar ahaan tirada sanadaha uu saxeexayo taas oo dhalisay inuu go’aan ku gaadho bixitaan.

Sida uu sheegay Karl-Heinz Rummenigge oo kamida madaxda ugu sarreysa Bayern Munich, Thiago ayaa kooxda u bandhigay rabitaankiisa ah inuu dhaqaajiyo.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska xog ogaalka ah ee ree Germany ee Bild, heshiiska Thiago ee Liverpool ayaa ku dhawaad gabi ahaanba la dhammaystiray waxaana caawisay inuu dhawaado xiiso gaar ah oo ka imanaya tababare Jurgen Klopp.

Dhawaan ayay ahayd markii uu tababare Klopp ku sifeeyay 29 sano jirka ree Spain xiddiga ugu wanaagsan horyaalka Bundesliga taas oo dhalisay in si joogto ah loola xidhiidhiyo kooxa uu hoggaaminayo ee Liverpool.

Waxa ay ilaa hadda isku maandhaafsan yihiin labada kooxood ayaa ah inay Liverpool doonayso inay kaliya bixiso 25 Milyan oo euro halka Bayern ay 40 Milyan oo euro dalbanayso.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.