Miyuu Sergio Aguero Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Adag Ee Real Madrid? Guardiola Ayaa Su’aashan Muhiimka Ah Ka Jawaabay

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay fursada uu gool dhaliyaha kooxdiisa ee Sergio Aguero u haysto inuu kahor tago kooxda ree Spain ee Real Madrid kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League.

Aguero ayaa haatan tababar qaadanaya wakhti dheeri ah oo intii hore ka badan si uu u caddeeyo inuu diyaar yahay kulanka Real kaddib dhaawac jilibka ah oo gaadhay kulankii ay la yeesheen Burnley bishii hore.

Inuu Aguero soo laabto oo uu door ka qaato kulanka Real Madrid ayaa ahayd mid mudo dheer la hadal hayay, si lamid ah kulamada xiga ee wareega siddeed dhammaadka Champions League haddii ay kooxdiisu gudubto.

Aguero ayaa lagu soo warramayaa inuu daawayn jilibka uu dhaawaca ka qabo ah saddex jeer qaato maalintii isla markaana uu rajaynayo inuu orodka dib u bilaabo maalmaha soo socda.

Haddaba, macalin Guardiola oo ka hadlay xaalada taam ahaansho ee xiddigaha kooxdiisa ayaa sheegay inuu rajaynayo in dhammaan ciyaaryahanada Manchester City ay diyaar u ahaan doonaaan kulanka Real Madrid marka laga reebo Benjamin Mendy oo dhaawacan.

Pep oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan filayaa marka aan wajahayno Madrid in qofkasta uu noqon doono taam, Mendy wuu ganaaxan yahay laakiin kuwa kale taam bay noqon doonaan”

Inuu Sergio Aguero kulankaas xataa kursiga keydka soo fadhiisto ayaa war wanaagsan u noqon doonta Man City maadaama oo ay suurogal tahay in Gabriel Jesus oo kulankii hore ee Bernabeu kasoo hormaray uu markale kusoo bilaaban karo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.