“Miyuu Pep Guardiola Ku Laabanayaa Barcelona?” – Wakiilka Guardiola Oo Su’aashii La Is-Weydiinayay Jawaab Toos Ah Ka Bixiyay

Wakiilka tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si rasmi ah uga hadlay haddiiba tababaraha uu masuulka ka yahay uu xilli ciyaareedka dambe haysan doono kooxdiisii hore ee Barcelona oo aad loola xidhiidhinayo.

Kooxda ree Spain ayaa rajaynaysa inay kala dhaqaajiyaan tababaraha haatan ee Quique Setien kaddib markii ay guuldarro culus oo 8-2 ah kala kulantay Bayern Munich dhawaan kulan ka tirsanaa wareega siddeeda ee Champions League.

Josep Guardiola (2008 - 2012)

Sidoo kale Guardiola ayaan wax badan waarin kaddib ceebta gaadhay Barcelona maadaama oo kooxdiisa Man City ay habeenkii xigay guuldarro lama filaan ah oo 3-1 ahay kala kulantay kooxda France ka socotay ee Lyon.

49 sano jirkan ayaa ah mid aad looga yaqaano caana ka ah gudaha Camp Nou kaddib afar sano oo koobab u saaxiib ah oo uu kusoo qaatay kooxdaas.

Iyaoo heshiiska Pep ee Manchester City uu yahay mid dhacaya xagaaga dambe, waxa durtaba soo baxay warar xan ah oo sheegaya in uu soo gaabin karo wakhtigiisa Sky Blues oo uu ku laaban karo Spain si uu u caawiyo Barcelona oo dhibtoonaysa.

Si kastaba, wakiilka Guardiola oo lagu magacaabo Josep Maria Orobitg ayaa gabi ahaanba waxba kama jiraan ku sifeeyay wararkaas sheegaya in tababarahiisu uu xagaagan dib ugu laabanayo Barca.

Orobitg oo wargeyska Goal uu weydiiyay haddii uu Pep baaqi kusii ahaanayo Man City xilli ciyaareedka dambe ayaa ku jawaabay “Haa, Pep waxa uu joogi doonaa City boqolkiiba boqol”

Intaas kaddib wakiilka ayaa sheegay inay wakhti xaadirkan wax aan suurogal ahayn u tahay Guardiola inuu dib ugu biiro Barcelona.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.