Miyuu Neymar Diyaar U Yahay Kulanka Man United Kaddib Markii Uu Seegay Kulankii PSG Ee Xalay? Tababare Tuchel Ayaa Jawaab Cad Bixiyay

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba garabka weerar ee kooxdiisa ee Neymar JR uu diyaar u yahay kulanka adag ee ay Salaasada la ciyaari doonaan Man United ee ka tirsan UEFA Champions League.

Neymar ayaa laga reebay liiska kooxdiisa ee kulankii ay xalay guusha 4-0 ka ah ka gaadheen dhigooda Nimes markaas oo uu laba gool dhaliyay Kylian Mbappe.

Neymar turns 28 and shares new sense of PSG belonging - AS.com

Kulanka xalay ayaa yimid kaddib kaliya saddex maalmood markii uu Neymar matalay dalkiisa Brazil oo kulan isreeb-reebka koobka aduunka ah la ciyaaray dhigiisa Peru xilli uu saddexley goolal ah kasoo dhaliyay ciyaartaas.

Haddaba, Thomas Tuchel oo xaalada Neymar ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ciyaaryahankiisu kulanka Red Devils isla markaana uu xalay kaliya sabab nasiimo u maqnaa.

“Ney wax dhib ah ma qabo, waanu wadahadalnay sidii aanu u wada hadalnay Kylian” ayuu yidhi macalinka ree Germany kaddib kulankii xalay.

“Waxaanu wada yeelanay wadahadal daacad ah waxaanan isaga u ogolaaday inuu nasto maanta, wuu nala joogi doonaa berrito, wuu tababaran doonaa waxaana uu u diyaar garoobi doonaa kulanka Manchester United, garoonka ayuu ku jiri doonaa hubaashii”

PSG ayuu Neymar ka maqnaa afar kulan kaddib toddoba kulan oo ay xilli ciyaareedkan ka ciyaartay iyagoo saddex kamida soo guuleystay isla markaana cel-celis ahaan 2 gool soo dhalinayay kulamadaas halka marka uu joogo ay cel-celis ahaan 2.7 yihiin goolashoodu.

Neymar oo seegay labadii kulan ee Champions League ee ay Man United la ciyaareen 2018-19 ayaa isha ku haya inuu markan usoo aar gudo kooxdiisa oo qaab lama filaan ah markaas uga hadhay tartanka.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.