Miyuu Lautaro Martinez Si Xoogan U Doonayaa Inuu Barcelona U Wareego Suuqan? Wakiilka Xiddiga Ay Barca U Waalanayso Oo War Cadaan Ah Shaaciyay

Wakiilka weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez oo bilooyinkii ugu dambeeyay in badan lala xidhiidhinayay dhinaca Barcelona ayaa ka hadlay haddiiba xiddigiisu uusan wax farxad ah ku haysan joogista kooxda ree Talyaani.

Walow ay markasta Inter ku adkaysanaysay inaysan jirin wax qorshe ah oo ay ku iibinayso Lautaro Martinez haddana waxa lala xidhiidhinayay inuu suuqa xagaagan u dhaqaaqi doono Camp Nou.

Inter reportedly rejected any Barcelona advances for Lautaro ...

Qoddobkii ku jiray heshiiska Lautaro Martinez ee ahaa in 111 Milyan oo euro lagu jabin karo qandaraaskiisa ayaa dhacay bishii July waxaana uu wakiilkiisa Beto Yaque haatan hoos u dhigay fursada uu ugu biiri karo dhinaca Barcelona.

Wakiil Yaque ayaa si cad u sheegay in Lautaro uu qandaraas ay saddex sano ka hadheen ku joogo San Siro isagoo waliba intaas raaciyay inuu waxa ugu muhiimsan oo farxad ah ku qabo.

Wakiil Beto Yaque oo u warramayay il-wareedka La Figura de La Cancha ayaa yidhi “Heshiiska uu ku wareegayo Lautaro waxa uu in ka badan nolosha dhabta ah yaalaa saxaafada”

“Lautaro waxa uu haystaa saddex sano oo qandaraaskiisa Inter ah isaguna aad ayuu ugu faraxsan yahay halka uu joogo, waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed aad u wanaagsan, wali waxa u yaala Europe League oo ay tahay inuu ciyaato”

“Anigu waligay uma baahan inaan isaga wax talo ah siiyo sidoo kale imikana uma baahni, waxa uu markasta ahaa ciyaaryahan dhammaystiran waxaana uu noqday mid qaan-gaadhay sanadahaas”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.