Miyay Real Madrid Awood U Leedahay Inay Guul Soo Laabasho Ah Champions League Kaga Reebto Man City? Pep Guardiola Ayaa Ka Aragti Dhiibtay

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay haddiiba Real Madrid ay awood buuxda u leedahay inay kooxdiisa guul soo laabasho ah kaga gaadho Etihad Stadium 7-da bishan maanta bilatay ee August.

Ugu horreynba, Guardiola oo amaanay Zinadine Zidane ayaa sheegay inuu jeclaa inuu ka ciyaaryahan ahaan la ciyaaro Zidane wakhtigoodii isla markaana uu ku faraxsan yahay shaqada uu hadda ka qabanayo Real Madrid.

Pep ayaa yidhi “ka ciyaaryahan ahaan, isagu (Zidane) waxa uu ahaa Wow, sida aan u jeclaan lahaa inaan isaga la ciyaaro, waxaan yeeshay nasiib darrada ah inaan isaga kaga hortagay xulka France, isagu si aad u wanaagsan ayuu u ciyaaraa kubadda cagta wakhtiyada fiican iyo kuwa xun”

“Walow aysan dadku u aamini doonin sababtoo ah inuu isagu Real Madrid kasoo jeedo, anigu aad ayaan ugu faraxsanahay inay arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan, aad ayay ugu wanaagsan tahay kubadda cagta”

Dhinaca kale Guardiola ayaa sheegay inay tahay inaysan wax badan ka fikirin faa’idada ah inay kaga soo guuleysteen Real Madrid lugtii hore balse haddiiba ay jirto koox soo laabasho samayn kartaa ay tahay Real.

“Waa in aanaan in badan ka fikirin faa’idadayada, haddiiba ay jirto koox dhinaca kale u rogi karta (Natiijada) waa koox weyn sida Madrid, iyo Barcelona ama Bayern”

“Iyagu way garanayaan tartamadan wayna garanayaan sida looga ciyaaro, iyagu (Real) waa koox aad u xoogan waxayna iga caawiyeen inaan noqdo tababare wanaagsan”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.