“Miyay Man City Tahay Kooxda Ugu Cad Cad Hanashada Champions League?” -Guardiola Oo Su’aashii Dunidu Qabtay Si Cad Uga Jawaabay

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka ay muddooyinkii ugu dambeeyay dadka badani ku sheekaysanayaan ee la xidhiidha in kooxdiisu ay tahay mida ugu cad cad hanashada tartanka UEFA Champions League.

City ayaa xaqiiqsatay booskeeda wareega siddeed dhammaadka ee Champions League xalay kaddib markii ay guud ahaan 4-2 ku garaaceen kooxda Real Madrid.

Image

Man City ayaa magaalada caasimada u ah Portugal ee Lisbon kula ciyaari doonta dhigeeda Lyon Sabtida dambe iyadoo wareega siddeed dhammaadka iyo wixii ka dambeeya lagu dheeli doono isla magaaladaas.

Haddaba, tababare Guardiola oo kulankii xalay kaddib ka hadlay in kooxdiisu ay ugu cad cadahay inay ku guuleysato Champions League doorkan ayaa sheegay in koox kasta oo gudubta ay aaminsan tahay inay fursad haysato isagoo foggeeyay wararka ah inay fursada ugu fiican haystaan.

Dhinaca kale Pep ayaa dib u milicsaday xaqiiqada ah inay kooxda Lyon ee wareega xiga ku sugaysa 4 dhibcood ka qaadatay kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore markii ay wareega Group-yada wadaagayeen.

Macalinkii hore ee Barcelona iyo Bayern ayaa yidhi “Waxaad ka hadashaa dhammaan kooxaha halkaas joogi doona, dhammaantood waxay ku fikirayaan (Inay fursad haystaan)”

“Maxay tahay sababta aanu anagu gaarka uga nahay kooxaha kale si aanu ugu guuleysano Champions League ugu guuleysano? anigu ma arko sababta”

“Si aad ugu guuleysato Champions League waa inaad garaacdo kooxo badan oo leh tayada Real Madrid, waxaanu la ciyaarnay Lyon xilli ciyaareedkii hore, waanu guuldarraysanay waananu bar-baraynay, maanu garaaci karayn, taasi waa xaqiiqada”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.