Miyay Liverpool Wali Bayern Munich Kala Xidhiidhay Saxeexa Thiago Alcantara Oo Uu Jurgen Klopp Doonayo? Guddoomiyaha Bayern Ayaa Jawaab Cad Bixiyay

Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa shaaca ka qaaday haddiiba ay jirto koox kala soo xidhiidhay saxeexa khadka dhexe ee kooxdiisa ee Thiago Alcantara oo lala xidhiidhinayo Liverpool.

29 sano jirkan ayaa qayb ka ahaa safkii Bayern Munich ee xagaagan kusoo guuleystay koobka DFB Pokal balse waxa uu doonayaa inuu horyaal kale tago kaddib markii uu toddoba horyaal iyo afar DFB Pokal lasoo qaaday toddoba sano oo uu Bayern joogay.

Bayern CEO Karl-Heinz Rummenigge renews call for 50+1 rule to be ...

Heshiiska uu hadda Thiago ku joogo Bayern Munich ayaa ah mid uu kaliya hal sano ka hadhay, guddoomiye Rumminegge ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga ree Spain uu agaasimaha ciyaaraha ee kooxda ee Hasan Salihamidzic u sheegay rabitaankiisa ah inuu baxo.

Dhinaca kale Rumminegge ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray inay jirto koox kala soo xidhiidhay saxeexa Thiago isagoo dhinaca kale xusay inuusan ogayn haddiiba ciyaaryahanku uu koox heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

Karl-Heinz Rumminegge oo u warramayay saxaafada Germany ayaa yidhi “Hasan waxa uu wada hadalo la qaatay Thiago, waxay ahaayeen kuwo markasta wanaagsan, laakiin isagu waxa uu Hasan u sheegay mudo kahor inuu doonayo inuu qabto wax cusub si uu waayihiisa ciyaareed u dhammeeyo”

“Ilaa haadan kooxi nalama soo xidhiidhin anaga, ma garanayno haddii uu arrimo la meel dhigay koox cusub, Hasan waxa uu wadahadalo kula jiraa David (Alaba) iyo la taliyihiisa”

“Ilaa hadda wax xal ah ma aanaan helin, waxaanu doonaynaa inaanu heshiiska dheerayno, haddii aysan macquul ahayn waa inaanu eegno”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.