Miyay Hakim Ziyech Iyo Ben Chilwell Diyaar U Yihiin Kulanka Sabtida? Su’aashii Ku Taagnayd Jamaahiirta Chelsea Oo Laga Jawaabay

Kooxda Chelsea iyo macalinkeeda Frank Lampard ayaa xog ka helaya xaalada dhaawacyada ee xiddigaha kooxdooda ee Ben Chilwell iyo Hakim Ziyech oo labadaba shaki ku jiray haddii ay ka qayb qaadan doonaan kulanka Sabtida ee Southampton.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Ziyech iyo Chilwell ayaa labaduba diyaar u ah inay ka qayb qaataan kulankaas waana war farxad u ah jamaahiirta kooxdooda.

Image

Chelsea ayaa doonaysa inay halkeeda kasii wado bandhigyada waaweyn oo ay guul kale ku xigsiiso midii 4-0 ka ahayd ee ay Crystal Palace ka gaadhay kahor intii aan fasaxa kulamada caalamiga ah la tagin.

Kulankaas ayaa ahaa mid u wanaagsan Blues balse sababta ay farxada gaarka ah u dareemeen ayaa ahayd in Chilwell oo ciyaartii ugu horreysay ee Premier League ah ugu soo bilawday uu gool iyo caawin sameeyay.

Haatan Chilwell ayaa markale rajayn doona inuu kulan qurux badan ku qaadan doono Stamford Bridge, Chilwell ayaa dhawaan laga saaray xulka qaranka England kaddib markii uu kasoo kaban waayay dhaawacii isaga oo qaba la xushay.

Kaddib markii laga saaray xulka lagu naanayso saddexda libaax, Ben ayay tijaabooyin marisay Chelsea waxaana uu wargeyska The Athletic oo xogtooda helay shaaca ka qaaday in isaga iyo Hakim ay diyaar u wada yihiin kulanka Saints ee Sabtida.

Ziyech ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeyay ee tartan rasmiya ah u ciyaari doono Blues tan iyo markii uu lacagta 38-ka Milyan ee Pound ah ugaga soo biiray dhinaca Ajax.

27 sano jirka ree Morroco ayaa ka maqnaa kooxdiisa cusub tan iyo kulankii saaxiibtinimo ee ka horreeyay xilli ciyaareedka ee ay bar-bardhaca 1-1 ka ah lasoo galeen Brighton.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.