Miyay Caawa Bayern Difaac Geli Doontaa Si Aan Weerar Rogaal Celis Ah Loogu Dilin? Tababare Flick Oo Su’aashii Ugu Cuslayd Ee La Is Weydiinayay Ka Jawaabay

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa ka jawaabay su’aasha aadka u muhiimka ah ee ah haddiiba ay kooxdiisu caawa daafacan doonto kulanka adag ee ay Final-ka UEFA Champions League kahor tagayaan dhigooda Paris Saint-Germain.

Sida uu ka warqabo qofkasta oo soo daawaday kulamadii Bayern ee Champions League, dhibtooda ugu weyn ayaa ah inay hal mar weerar duufaan ah qaadayaan taas oo halis ka dhigaysa in weeraro rogaal celis ah lagu dilo.

Waxa xusid mudan in Lyon ay wareegii afar dhammaadka heshay fursado badan oo rogaal celis ah oo ay ka faa’idaysan weyday balse waxa hubaal ah in weerarka dilaaga ah ee PSG uusan gafi doonin haddii uu helo dal-daloolo.

Haddaba, isaga oo qabanayay shirkiisa jaraa’id ee kulanka ka horreeya ayuu tababare Hansi Flick sheegay inay sii haysan doonaan hanaankii ay kulamadii hore ku ciyaarayeen oo aysan waxba bedeli doonin.

Flick oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Kulamadayadii 10-kii bilood ee ugu dambeeyay waxaanu markasta isku dayaynay inaanu qaabkayaga ku cadaadino kooxda naga soo horjeeda”

“Ugu dambayn natiijooyin ayaanu ku helnay samaynta sidaas, sidaas darteed waxbadan kama bedeli doono qaabkaas”

“Waxa aanu ogaanay ugu horreyn ayaa ah xaqiiqada ah in aanu cadaadiskan badan samaynaynay, in aanaan u baahnayn inaanu meelo badan oo banaan siino kooxda naga soo horjeeda laakiin dabcan waxa jira meelo badan oo banaan oo safkayaga daafaca dabadiisa ah”

Bayern Munich ayaa caawa isha ku haysa kulankeedii 29-aad ee xidhiidh ah ee aysan wax guuldarro ah lasoo kulmin tartamada oo dhan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.