Midkee Fiican Willian & Nicolas Pepe? Halyayo Arsenal Ah Oo Ka Jawaabay Iyo Dareenkii Ay Ka Bixiyeen Heshiiska Willian Ee Gunners.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Perry Groves ayaa aad u amaanay saxiixa Willian kaas oo si xor ah ugu soo wareegay  Arsenal isagoo sheegay in ciyaaryahanka reer Brazil uu wax badan kusoo kordhin doono kooxda Gunners.

Wallian oo 32-sano jir ah oo dhamaadka isbuucan usoo dhaqaaqay Arsenal ayaa qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo lacag dhan 220,000 ginni.

Tababaraha kooxda ee Mikel Arteta ayaa aaminsan in xiddiga cusub ee nambar 12-ka loo xiray uu isbadal muuqdo ku sameyn doono kooxda laakiin taasi uma muuqato inay tahay jawaabta rasmiga ah oo ay ku qanci karaan taageerayaasha kooxda oo doonaya in kooxda lasoo saxiixato ciyaaryahano wax badan kusoo kordhin karro kooxda.

Groves ayaa shaaca ka qaaday in Saxiixa Wallian yahay saxiix weyn, waxaana uu aaminsan yahay in Willian uu horumar weyn ka sameeyay dhanka garabaha iyo weerarka.

Sidoo kale xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Groves ayaa aaminsan in Willian aan lala barbar dhigi karin xiddiga Arsenal ay ku qasaartay ee Nicolas Pepe kaas oo la aaminsanyahay in lagu qiyaanay kooxda Arsenal.

“Waa saxiix aad iyo aad u wanaagsan,waa ciyaaryahan isku soo muujiyay horyaalka Premier League-ga wuuna ka fiican yahay kuwo aanu soo haysanay” ayuu yiri xiddiga labada jeer ku guuleystay horyaalka heerka labaad ee England, Mr Groves.

Mar wax laga weydiyay midka wanaagsan Wallian iyo Pepe ayuu yidhi”Waxaan kasoo horjeeda dadka dhahaayo waxaa ka wanaagsan Pepe laakiin xilligan la joogo Wallian ayaa ka fiican Pepe”.

“Waa ciyaaryahanka qaab ciyaareed joogta leh wuuna u qalmaa halkaas halka Pepe uusan laheyn laakiin Pepe waa mid gabi ahaanba ka duwan”. ayuu Groves hadalkiisa sii raaciyay.

“Wuu dhameystiranyahay sidoo kale wuu maskax furanyahay Waa saxiix runtii aad ugu wanaagsan kooxda Gunners”.ayuu kusoo gagabeeyay hadalkiisa.

Sidoo kale Halyeeyga kooxda Arsenal Ray Parlour ayaa ku amaanay kooxda Arsenal lasoo wareegida Wallian wuxuuna sheegay In si xor ah lagula soo wareego Wallian ay tahay heshiis aad u weyn inkastoo mushaarkiiisa uu badan tahay.

Ray Parlour oo ka hadlaya heshiiska Arsenal ee Willian ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inay saxiix fiican u tahay Arsenal. Waxa uu ahaa mid qurux badan waqtigiisi Chelsea waxaana qabaa inuu goolal badan ka heli doona qadka dhexe kuwaas oo haatan heysan.

“Lacagtu ma ahan inay soo gasho waa wax walba oo ku saabsan bandhigyada garoonka dhexdiisa, Markii Van Dijk ay lasoo saxiixatay Liverpool qof walba wuxuu dhahay waa lacag aad u badan, laakiin hada qofna ma sheego”

“Arsenal waxay bixin doontaa 10 milyan ginni sanadkii, laakiin waxa ay ku kici laheyd wax intaas ka Sii badan”. ayuu Ray Parlour hadalkiisa ku soo xidhay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.