Midkee Ayaa Goolal Badan Cristiano Ronaldo Iyo Messi Marka Laga Reebo Rikoodheyaasha? – Akhriso Tirada Goolashooda Tan Iyo 2008

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxay ahaayeen mishiinnada kubadda cagta laga soo bilaabo xili ciyaareedkii 2008/09, markaas oo ah waqtiga ay usoo bilaabantay hanashada abaal-marinta xiddignimada Adduunka ee Ballon d’Or ee ay kusoo kala guuleysteen min lixda jeer iyo min shanta jeer.

Ronaldo oo 35 jir ah iyo Messi oo 33 jir ah ayaa tartan adag kusoo jiray in ka badan 10 sannadood oo ay kusoo loollameen wax kasta, sida gool-dhalinta, abaalmarinta xiddiga adduunka iyo koobabka.

Waxa intaas u raacay in ay u kala ciyaarayeen laba kooxood oo cadaawad xooggani ka dhaxaysay oo aan waxba isku ogolayn, taas oo cirka kusii shareertay hirdanka labadan ciayartoy.

Xogta goolasha labadan ciyaartoy ee 12kii sannadood ee ugu dambeeyey oo lasoo bandhigay, isla markaana aanay ku jirin rikoodheyaasha ayaa lasoo bandhigay, waxaana xataa lagu daray labada xili ciyaareed ee uu xiddiga reer Portugal ku sugnaa Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa awood u yeeshay in uu ku garaaco Lionel Messi tartanka goolasha laba xilli ciyaareed oo kaliya oo ahaa 2013-14 iyo 2015-16, kuwaas oo Cristiano Ronaldo uu dhaliyey 41 gool iyo 43 gool oo aanay rikoodheyaashu ku jirin.

Laakiin 10ka xili ciyaareed ee kale, waxa dhamaantood figta sare joogay Lionel Messi oo ka gacan sarreeyey saaxiibka ay loollanka weyn ku wada jiraan ee Ronaldo.

Xili ciyaareedkan ugu dambeeyey, Lionel Messi ayaa awood u yeeshay inuu dhaliyo 26 gool oo ciyaar furan ah, halka Cristiano Ronaldo uu Juventus u saxeexay 23 gool oo ciyaar furan ah.

Goolashan oo ah dhamaan tartamada oo aanay ku jirin rikoodheyaashu, waxa 12kii xili ciyaareed ee ugu dambeeyey ay u kala sarreeyeen sidan:

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

  1. Messi waa nin aan digo rogasho sameyn islmarkana muudkii iyo dharerkiiba kaga dhamaday koox keliya halka uu Ronaldo sameyey isbadalo lataban karo iyo inuu awoodiisa xirfadeed ee kubadda cagta kusoo bandhigo kooxo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.