Meelna Uma Socdo!! – Xiddig Ay Barcelona U Sheegtay Inuu Baxayo Oo Gabi Ahaanba Diiday Inuu Ka Tago Camp Nou

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa lasoo warrinayaa inuu gabi ahaanba diiday inuu kooxdaas ka dhaqaajiyo suuqa xagaagan walow ay kooxda qudheedu doonaysay inay iska fasaxdo kaddib dhaawacyo kusoo noq-noqday.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka France oo lala xidhiidhinayay Arsenal, Everton iyo West Ham United ayaa doonaya inuu dhammaysto heshiiskiisa Barcelona ee ilaa 2023 ku eeg.

Umtiti ayaa keyd ka ahaa kooxdiisa muddooyinkii ugu dambeeyay isla markaana aan doorkii hore oo kale ku lahayn sababo la xidhiidha dhaawac jilibka ah oo kusoo noq-noqday balse aaminsan inuu dib ugu soo laaban karo shaxda sida lagu sheegay wargeyska Sport.

Daafacan asal ahaan kasoo jeeda dalka Cameroon ayaa u baahan inuu booskiisa kula tartamo Ronald Araujo oo dhawaan kooxda waaweyn ee Barcelona loosoo dalacsiiyay.

Si kastaba, Barcelona oo doonaysa inay dhinto mushaharaadka ay ciyaartoydeeda ku bixiso kahor xilli ciyaareedka dambe ayaa doonaysa inay Umtiti oo 26 jir ah amaah ku dirto iyagoo raadinaya koox amaahda kaddib heshiis rasmi ah kula wareegi karta.

Arsenal, Everton iyo West Ham United ayaa ah kooxaha hadda saxeexiisa daba jooga halka Man United iyo Chelsea ay hore xiiso ugu muujiyeen.

Barca ayay saxaafadu sheegaysaa inay ku dhawaad kala badh ciyaaryahanada kooxdeeda suuqa dhigtay oo ay dhagaysan doonto dalabaadka u imanaya 12 ciyaaryahan oo kooxdeeda ah oo ay ku jiraan Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho.

Ugu dambayn, Umtiti ayaa tan iyo markii uu dhinaca kooxda Lyon sanadkii 2016 kaga soo biiray Barcelona soo ciyaaray 116 kulan isaga oo kusoo guuleystay laba Copa Del Rey iyo Laba La Liga.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.