Meel Ku Qoro!! Taariikhda, Waqtiga & Saacadaha Ay Dhacayaan Kulamada Champions League Ee Heerka Groups-yada

Isku-aadka Champions League marxaladdiisa koowaad ee Group-yada ayaa  la sameeyey Arbacadii, waxaana si buuxda hadda usoo baxday waqtiga ay dhici doonaan kulamada kala duwan ee lixda ah ee ay koox waliba ciyaari doonto.

UEFA ayaa soo saartay xilliyada ay taageereyaashu fursadda u heli doonaan inay daawadaan kooxahooda oo ciyaaraya, iyagoo qaarkood iska xaadirin doona garoomada bishan aynu ku jirno gudaheeda marka kulamada ugu horreeya la ciyaarayo.

Manchester United ayay taageereyaasheedu ka gadoodeen  nasiibkooda oo siiyey inay Group H ku wada dhacaan Paris Saint-Germain, RB Leipzig iyo Istanbul Basaksehir, laakiin Liverpool ayaa inkasta oo safarradu ku dheer yihiin waxay haddana helaysaa fursad ay kaga aargoosato Ajax oo ay ku wada jiraan Group D, waxaanay ciyaartoodu noqon doontaa midda ay foodda isku dari doonaan October 21.

Laakiin tababare Ole Gunnar Solksjaer ayaa kooxdiisa ula safri doona waddanka Faransiiska oo magaalada Paris ay isku haleeli doonaan PSG oo ugu dhaarsan sidii ay uga aargoosan lahayd maadaama sannad ka hor ay ka reebtay tartanka Champions League, waxaanay ciyaartani dhici doontaa October 20.

Manchester City ayaa iyadana xili ciyaareedkeedu ku bilaabmi doonaa safar ay ku tegayso Portugal, halka Chelsea ay kooxdii kusoo guuleysatay Europa League ee Sevilla jilbaha isku dhigan doonaan garoonka Stamford Bridge marka ay taariikhdu tahay October 20.

Kulan aad loo sugayao waxa uu habeen Arbaco ah oo ay taariikhdu tahay October 21 dhex-mari doonaa kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich iyo Atletico Madrid, halka naadigii ku ceeboobay tartanka xili ciyaareedkii hore Barcelona ayaa iyaduna ku furanaysa Juventus oo ay u tegi doonto usbuuca labaad ee October 28, waxaana halkaas isku haleeli doona Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, halka Pjanic iyo Arthuro oo labada kooxood u kala wareegayna ay khadka dhexe ku dagaallami doonaan.

Real Madrid ayaa kulankeeda ugu horreeya waxay ku ballansan yihiin Shakhtar Donetsk oo ay ku wada jiraan Group B, waxaanay wada ciyaari doonaan galabnimada October 21 oo ku beegan maalin Arbaca ah.

Jadwalka heerka Group-yada oo dhamaystiran

October 20

Zenit vs Club Brugge (Group F) – 18:55

Dynamo Kyiv vs Juventus (Group G) – 18:55

Chelsea vs Sevilla (Group E) – 21:00

Stade Rennais vs Krasnodar (Group E) – 21:00

Lazio vs Borussia Dortmund (Group F) – 21:00

Barcelona vs Ferencvarosi (Group G) – 21:00

Paris Saint-Germain vs Manchester United (Group H) – 21:00

RB Leipzig vs Istanbul Basaksehir (Group H) – 21:00

October 21

Salzburg vs Lokomotiv Moscow (Group A) – 18:55

Real Madrid vs Shakhtar Donetsk (Group B) – 18:55

Bayern Munich vs Atletico Madrid (Group A) – 21:00

Inter Milan vs Borussia Monchengladbach (Group B) – 21:00

Manchester City vs FC Porto (Group C) – 21:00

Olympiakos vs Marseille (Group C) – 21:00

Ajax vs Liverpool (Group D) – 21:00

FC Midtjylland vs Atalanta (Group D) – 21:00

Kulamada 2aad

October 27

Lokomotiv Moscow vs Bayern Munich (Group A) – 18:55

Shakhtar Donetsk vs Inter Milan (Group B) – 18:55

Atletico Madrid vs Salzburg (Group A) – 21:00

Borussia Monchengladbach vs Real Madrid (Group B) – 21:00

Porto vs Olympiakos (Group C) – 21:00

Marseille vs Manchester City (Group C) – 21:00

Liverpool vs FC Midtjylland (Group D) – 21:00

Atalanta vs Ajax (Group D) – 21:00

October 28

Krasnodar vs Chelsea (Group E) – 18:55

Istanbul Basaksehir vs Paris Saint-Germain (Group H) – 18:55

Sevilla vs Stade Rennais (Group E) – 21:00

Borussia Dortmund vs Zenit (Group F) – 21:00

Club Brugge vs Lazio (Group F) – 21:00

Juventus vs Barcelona (Group G) – 21:00

Ferencvarosi vs Dynamo Kyiv (Group G) – 21:00

Manchester United vs RB Leipzig (Group H) – 21:00

Kulamada 3aad

November 3

Lokomotiv Moscow vs Atletico Madrid (Group A – 18:55

Shakhtar Donetsk vs Borussia Monchengladbach (Group B) – 18:55

Salzburg vs Bayern Munich (Group A) – 21:00

Real Madrid vs Inter Milan (Group B) – 21:00

Manchester City vs Olympiakos (Group C) – 21:00

Porto vs Marseille (Group C) – 21:00

FC Midtjylland vs Ajax (Group D) – 21:00

Atalanta vs Liverpool (Group D) – 21:00

November 4

Zenit vs Lazio (Group F) – 18:55

Istanbul Basaksehir vs Manchester United (Group H) – 18:55

Sevilla vs Krasnodar (Group E) – 21:00

Chelsea vs Stade Rennais (Group E) – 21:00

Club Brugge vs Borussia Dortmund (Group F) – 21:00

Barcelona vs Dynamo Kyiv (Group G) – 21:00

Ferencvarosi vs Juventus (Group G) – 21:00

RB Leipzig vs Paris Saint-Germain (Group H) – 21:00

Kulamada afraad

November 24

  • Krasnodar vs Sevilla (Group E) – 18:55
  • Stade Rennais vs Chelsea (Group E) – 18:55
  • Borussia Dortmund vs Club Brugge (Group F) – 21:00
  • Lazio vs Zenit (Group F) – 21:00
  • Juventus vs Ferencvarosi (Group G) – 21:00
  • Dynamo Kyiv vs Barcelona (Group G) – 21:00
  • Paris Saint-Germain vs RB Leipzig (Group H) – 21:00
  • Manchester United vs Istanbul Basaksehir (Group H) – 21:00

November 25

  • Borussia Monchengladbach vs Shakthar Donetsk (Group B) – 18:55
  • Olympiakos vs Manchester City (Group C) – 18:55
  • Bayern Munich vs Salzburg (Group A) – 21:00
  • Atletico Madrid vs Lokomotiv Moscow (Group A) – 21:00
  • Inter Milan vs Real Madrid (Group B) – 21:00
  • Marseille vs Porto (Group C) – 21:00
  • Liverpool vs Atalanta (Group D) – 21:00
  • Ajax vs Midtjylland (Group D) – 21:00

Kulamada shanaad

December 1

Lokomotiv Moscow vs Salzburg (Group A) – 18:55

Shakhtar Donetsk vs Real Madrid (Group B) – 18:55

Atletico Madrid vs Bayern Munich (Group A) – 21:00

Borussia Monchengladbach vs Inter Milan (Group B) – 21:00

Porto vs Manchester City (Group C) – 21:00

Marseille vs Olympiakos (Group C) – 21:00

Liverpool vs Ajax (Group D) – 21:00

Atalanta vs Midtjylland (Group D) – 21:00

December 2

Istanbul Basaksehir vs RB Leipzig (Group H) – 18:55

Sevilla vs Chelsea (Group E) – 21:00

Borussia Dortmund vs Lazio (Group F) – 21:00

Club Brugge vs Zenit (Group F) – 21:00

Juventus vs Dynamo Kyiv (Group G) – 21:00

Ferenvarosi vs Barcelona (Group G) – 21:00

Manchester United vs Paris Saint-Germain (Group H) – 21:00

Kulamada Lixaad

December 8

Zenit vs Borussia Dortmund (Group F) – 18:55

Lazio vs Club Brugge (Group F) – 18:55

Chelsea vs Krasnodar (Group E) – 21:00

Stade Rennais vs Sevilla (Group E) – 21:00

Barcelona vs Juventus (Group E) – 21:00

Dynamo Kyiv vs Ferencvarosi (Group E) – 21:00

Paris Saint-Germain vs Istanbul Basaksehir (Group H) – 21:00

RB Leipzig vs Manchester United (Group H) – 21:00

December 9

Krasnodar vs Stade Rennais (Group E) – 18:55

Ajax vs Atalanta (Group D) – 18:55

Midtjylland vs Liverpool (Group D) – 18:55

Bayern Munich vs Lokomotiv Moscow (Group A) – 21:00

Salzburg vs Atletico Madrid (Group A) – 21:00

Real Madrid vs Borussia Monchengladbach (Group B) – 21:00

Inter Milan vs Shakhtar Donetsk (Group B) – 21:00

Manchester City vs Marseille (Group C) – 21:00

Olympiakos vs Porto (Group C) – 21:00

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.