Mbappe Mise Haaland? Qorshaha Real Madrid Ee Labada Da’yar Iyo Sida Ay Ugu Kala Muhiimsan Yihiin Oo La Ogaaday

Qorshaha ay kooxda Real Madrid la leedahay xiddigaha mustaqbalka wanaagsan leh ee Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ah ayaa shaaca laga qaaday.

Real Madrid ayaa ugu horreynba ahayd koox mudo dheer la dhacsanayd Kylian Mbappe balse sababtoo ah inuu saamayn balaadhan ku yeeshay caabuqa Korona ayay Los Blancos awoodi waayeen inay  lacag ka bixiyaan xagaagan.

Mbappé and Haaland, the two cracks that Madrid wants for 2021

Real Madrid ayaa xiisaynaysa inay mustaqbalka dhaw saxeexa Mbappe u dhaqaaqdo balse sida uu sheegayo wargeyska Marca qorshahooda ayaa ah inay u weecdaan dhinaca Erling Haaland oo heshiiskiisa 63 Milyan oo Pound lagu jabin karo haddiiba ay Mbappe waayaan.

Warbixinta ayaa saaka oo Salaasa ahayd kasoo muuqatay bogga hore ee wargeyska ree Spain iyadoo cinwaan looga soo dhigay qoraalka ah “Haaland haddii Mbappe uusan iman”

Mbappe ayaa haatan galay labada sano ee ugu dambeeya ee heshiiska uu ku joogo Parc des Princes balse kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa qabta rajada ah inay heshiis cusub ka saxeexan karaan.

Dhinaca kale Haaland ayaa markasta loo arkayay inuu yahay bedelka ugu haboon ee Karim Benzema oo weerarka haatan ee Real Madrid hoggaaminaya, Los Blancos ayaa u tixgelinaya inay kusoo helaan qiime ka macquulsan midka Kylian.

Benzema ayaa 33 sano jirsan doona bisha December ee sanadkan halka Luka Jovic oo bedelkiisa loogu han weynaa isla markaana lacag 62 Milyan oo Pound ah ku yimid Santiago Bernabeu uu ilaa hadda fashilan yahay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.