Maxay Tahay Sababta Wadne Xanuunka Ku Ah Jamaahiirta Barcelona Ee Uu Quique Setien Kusii Ahaanayo Tababaraha Kooxdooda?

Quique Setien tababaraha kooxda Barcelona ayaa sii wadan kara shaqadiisa kooxda sababtuna ay tahay kala qeybsanaanta maamulka kooxda kuwaas oo aan weli go’aan ka gaadhin shaqsigii loo dhiibi lahaa kooxda.

Wargeyska afka dheer ee Daily Mail ayaa sheegeya in Barcelona ay dib u dhigi karto ceyrinta tababare Setien ilaa isbuuca socda Madaxweynaha kooxda Barcelona ayaa xal u arka in kooxda loo dhiibo tababarihii hore ee Spurs Mauricio Pochettino kaas oo uu fahansanyahay inuu yahay midka ugu haboon waqti xaadirkan.

Image

Iskastoo maamul kooxda Barcelona isku raacsaneyn in kooxda loo dhiibo Pochettino laakiin madaxweynaha Barcelona ​​Josep Bartomeu oo aalaba Saxibo dhaw la’ah Mauricio Pochettino ayaa weli ku rajo weyn inuu ka dhaadhicin karo xubnaha kale ee kooxda inay shaqaaleysiiyaan 48 jirka oo ay Tottenham shaqada ka ceyrisay bishii November ee lasoo dhaafay.

Booska Setien ayaa noqday mid aan la isku halleyn karin ka dib markii Barcelona 8-2 xasuuq ah kala kulantay kooxda reer Germany ee Bayern Munich habeenkii jimciha.

inkastoo kooxda ay horay u gaartay go’aankii ay ku eryi laheyd 61 jirkan hadana Maamulka kooxda ayaan weli isku raacin macalinkii lagu bedeli lahaa taas oo loo badinaayo inay go’aan ka gaadhaan horaanta isbuucan soo socda.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.