Maxay Tahay Farriinta Ay Taageerayaasha Chelsea Ku Farxeen Ee Uu Thibaut Courtois U Diray Gareth Bale Oo Tottenham Ku Biiray?

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa farriin kaftan ah u diray saaxiibkiisii hore ee Real ee Gareth Bale oo heshiis amaah ah ugu laabtay dhinaca Tottenham Hotspurs toddobaadkana kulankiisii koowaad kasoo muuqan kara.

Farriinta Courtois ayaa ah mid uu kaga farxiyay kooxdiisii hore ee Chelsea isaga oo si dadban u duray kooxda cusub ee Gareth Bale ee Tottenham.

Goolhayaha dookha koowaad ee haatan ee Real Madrid ayaa toddoba sano kusoo qaatay Chelsea xilli uu kula soo guuleystay laba horyaal Premier League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Thibaut oo la hadlay wargeyska ree Spain ee El Larguero ayaa sheegay inuu nasiib wacan u rajaynayo Gareth Bale walow uu si kaftan ah ugu duray inuusan kooxda ugu fiican London oo uu Chelsea ula jeeda u ciyaarayn.

Ugu horreynba, Courtois oo ka hadlaya xidhiidhkii adkaa ee uu Bale la lahaa tababare Zinadine Zidane ayaa yidhi “Wixii uu Bale kala hadlay tababaraha waxa uu ahaa mid shaqsiyan u ah”

“Anigu ma garanayo wixii uu ku fikirayay laakiin intaas kaddib kuwaasi waa go’aano uu qofkastaa qaato”

“Xidhiidh wanaagsan ayaan la lahaa Gareth nasiibka ugu wanaagsan ayaanan u rajaynayaa xataa haddii uusan u ciyaarayn kooxda wanaagsan ee London, isagu waa ciyaaryahan weyn”

Bale ayaa 203 kulan oo uu hore Tottenham ugu soo ciyaaray 56 gool ugu soo dhaliyay halka uu 58 kale caawiye kasoo ahaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.