Maxay Tahay Arrinta Naxdinta Ku Dilaysa PSG Kaddib Isku Aadkii Champions League Ee Ay Uga Cabsi Qabaan Kooxda Yar Ee Atlanta?

Goor dhawayd ayay ahayd markii xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ay ku dhawaaqeen isku aadka wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka Champions League iyadoo intaas kaddib dortaba xogo kala duwan laga samaynayo isku dhacyadaas.

Mid kamida kulamada kasoo baxay wareega siddeeda ayaa dhex mari doona Paris Saint-Germain oo France ka socota iyo kooxda Atlanta oo metelaysa Talyaaniga.

Paris Saint Germain Psg

Dabcan marka la eego taariikhaha hore iyo culayska xiddigaha labada kooxood, PSG ayaa si fudud ku ah kooxda ugu cad cad inay wareega afar dhammaadka ee tartankaas gaadho.

Kooxda Atlanta ayaan ahayn mid shar yar, xaqiiqada ah inay 8 gool kaga soo adkaadeen Valencia wareegii hore, sanadkii labaad ee xidhiidh ah yihiin kooxda ugu goolasha badan Serie A isla markaana hoggaanka horyaalkaas sagaal dhibcood lagaga hayo ayaa cabsi abuuraysa.

Xogta kaddib isku aadkan shaaca laga qaaday ee cabsida kusii abuuraysa kooxda Paris Saint-Germain ayaa ah inaysan kooxdaasi abid koox Talyaaniga ka socota ugu yaraan xataa hal kulan ka adkaanin.

Atlanta ayay markii ugu horreysay ee ay taariikhda soo gaadho wareega siddeed dhammaadka u tahay balse taariikhda kooxaha ay dal-wadaaga yihiin ayaa u muuqata mid u hadlaysa.

PSG ayaa xilli ciyaareedkii 1994-95 labadii kulan ee ay AC Milan la ciyaartay guuldarrooyin la wada kulantay iyagoo intaas kaddib afar kulan oo wareega Group-yada ah bar-bardhac la galay Milan xilli ciyaareedkii 2000-01 iyo Napoli 2018-19.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.