Maxay Ciyaartoyda Real Madrid Ku Sameeyeen Raphael Varane Dhamaadkii Ciyaar? – Varane Ayaa Ka Warbixiyay.

Raphael Varane ayaa ka hadlay labadii qalad eee waaweynaa ee uu hadiyadda goolasha ugaga dhigay Manchester City, isla markaana uu dhabarka kaga jabiyey kooxdiisa Real Madrid, kuwaas oo sababay in Los Blancos lagu garaaco 2-1.

Real Madrid ayaa tagtay garoonka Etihad Stadium ayaa lagu leeyahay 2-1 kulankii hore ay City kaga sii dhalisay Santiago Bernabeu, waxaana bilowgiiba ay heleen gool uu hadiyad uga dhigay Varane oo goolkiisa horteeda kubadda lagaga qaaday, halka uu qaybtii dambena kubbad kale siiyey Gabriel Jesus oo goolka labaad ka dhaliyey, waxaanay City wareegga siddeeda ugu gudubtay natiijo 4-2 ah.

Varane ayaa ka hadlay labada qalad ee uu sameeyey, waxaanu sheegay in guul-darrada uu kooxdiisa isagu usoo jiiday oo aanay cid kale la wadaagin masuuliyaddaas, waxaanu yidhi: “Guul-darradan anigaa keenay, waana inaan aqbalo. Aniga ayaa masuul ka ah khasaaraha.”

Waxa uu sheegay inay si fiican ugu diyaar-garoobeen ciyaartan laakiin qalad uu sameeyey uu kooxdiisa ka reebay tartanka Champions League, waxaanu yidhi: “Si fiican ayaanu u diyaar-garownay laakiin qaladaadkii ayaa na galaaftay. Aad ayaan ugu murugaysanahay ciyaartoyda kooxda.”

Raphael Varane waxa kale oo uu sheegay inay khatar badan isgeliyeen bilowgii hore ee ciyaarta oo ay kubadda ku hayeen goolkooda agteeda, waxaanu yidhi: “Ciyaarta si wanaagsan ayaan dareemayay, laakiin bilowgii hore ayaanu qaadanay khataro badan.”

Xiddigaha Real Madrid ayay layaab ku ahayd waxa uu sameeyey difaacan reer France, laakiin dhamaadkii ciyaarta ayay laacibiinta Real Madrid niyadda u dejiyeen, waxaana Varane oo arrintan ka hadlay uu yidhi: “Waxaan uga mahad-celinayaa ciyaartoyda taageeradii ay ii muujiyeen, in badan igumay dhicin inaan sameeyo qaladkan oo kale intii aan ciyaaraha ku jiray.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.