Maxay Ahayd Sababtii Uu Zinedine Zidane U Qayliyey Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Granada Ay Guusha Kaga Gaadheen?

Zinedine Zidane ayaa xalay kor u qayliyey markii ay dhamaatay ciyaartii ay ku dhibaatoodeen ee ay 2-1 ugaga adkaadeen Granada oo ay marti ugu ahaayeen Estadio Nuevo Los Carmenes

Real Madrid ayaa guushan ugu dhowaatay hanashada koobka LaLiga oo kaliya ay u baahan tahay in laba dhibcood ay ka hesho labada ciyaarood ee u hadhay, laakiin xataa iyadoo xataa laga badiyey labada ciyaaroodba ay ku guuleysan kartaa koobka haddii Barcelona laga badiyo ama ay barbarro gasho mid ka mid ah labadeeda ciyaarood.

Zidane 2

Tababare Zidane ayaa ka hadlay sababtii uu kor ugu qayliyey markii uu garsooraha ciyaartu afuufay siidhiga dhamaadka kulanka, waxaanu yidhi: “Waan qayliyey sababtoo ah waan faraxsanaa iyo sababta kale oo ah inaad ku dhibaatooto kubadda cagta.

“Waxay ahayd qaylo caadi ah, sababtoo ah waxaanu helnay saddex dhibcood oo muhiim ah. Waxaan u qayliyey inaan u sheego ciyaartoyda inay ciyaar wanaagsan soo bandhigeen, aniguna aan ku faraxsanahay.”

Real Madrid waxay qaybtii dambe ku dhowaatay in goolka barbarraha laga dhaliyo, iyadoo uu Zidane ciyaartoygiisa u sheegay inay dib u degaan oo ay is difaacaan.

“Qaybtii hore waanu wanaagsanayn, kubbad fiicanna waanu ciyaarnay, laakiin qaybtii dambe sidaas umaanaan fiicnayn, sababtuna waxay ahayd in kooxda naga soo horjeedday ciyaaraysay.” Ayuu yidhi Zidane oo sharraxaya sababta.

Eden Hazard ayaa xalay kaydka ku jiray oo aan ciyaarta lasoo gelin, waxaanu Zidane tilmaamay inay jirto dhibaato badqabka ah oo haysata xiddiga reer Belgium oo laba kulan oo uu dhaawac ku maqnaa kaddib soo laabtay Jimcihii oo daqiiqado kooban ciyaaray.

“Waxay ahayd wax u wanaagsan kooxda. Ciyaartoygu waa inuu jidh ahaan taam u ahaado si uu u ciyaaro, isaguna si walba taam uma ahayn. Xaaladdu way yara adkayd, waxaanse rajaynayaa in khamiista uu boqolkiiba boqol taam noqon doono.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.