Maxay Ahayd Arrintii Uu Ka Cawday Pep Guardiola Kaddib Kulankii Arsenal Ee Xalay?

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka cidhiidhiga ah ee kulamada kala duwan ee kooxdiisa, taas oo uu xusay inay sabab u tahay dhaawaca Kevin de Bruyne.

Kubbad-sameeyaha reer Belgium ayaan joogin kulankii xalay ay Man City guusha 1-0 ah ka gaadhay Arsenal, waxaana uu u jiifay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii waddankiisu Axaddii hore la ciyaaray England ee 2-1 lagaga badiyey.

Guardiola waxa uu sheegay in kulamada caalamiga ah iyo ciyaaraha horyaallada kala duwan iyo kuwa maxalliga ah ay firaaqo iyo waqti nasasho ah u diidayaan ciyaartoyda, taasina horseedayso inay dhaawacyo soo gaadhaan ciyaaryahannada.

“Ilama aha in dhaawaciisu uu weyn yahay, mana garanayo inta uu dhab ahaantii le’eg yahay laakiin maalmo yar ayaa kasoo wareegay, mana garanayo inta kulan ee uu ka maqnaan doono.” Ayuu yidhi Pep Guardiola oo ka hadlayay dhaawaca De Bruyne.

“Fasaxii xagaaga muu qaadan, siddeed maalmood oo kaliya ayuu ku maqnaa fasax iyadoo waliba qoyskiisa uu ilmo yar u dhashay, xaaskiisuna uur lahayd oo ay ahayd inuu guriga joogo. Fasax ma tegi karayn, wuu nastay, kaddibna tababartay oo si wanaagsan u ciyaaray mar walba laakiin ugu dambayntii wiilku xad ayuu leeyahay waanu dhaawacmay.” Ayuu ku daray.

Pep Guardiola wax akale oo uu ka hadlay guul-darrooyinka xili ciyaareedkan ay bilowgiiba la kulmeen kooxdiisa Man City, Liverpool iyo Chelsea, waxaanu yidhi: “Saddex sannadood ka hor, anaga ayaa ahayn kuwa horyaalka lagula tartamayo, kaddib Liverpool iyo annaga, kaddib sannadkii u dambeeyey ayay Liverpool ayaa ahayd, markaa waynu eegi doonaa sida ay wax noqdaan xili ciyaareedkan.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.