Maxay Ahaayeen Labada Ciyaartoy Ee GEERIYOODAY Ee Sevilla U Hibaysay Koobkii Ay Xalay Ku Guuleysteen?

Tababaraha Kooxda kubadda cagta Sevilla, Julen Lopetegui ayaa guushii koobka Europa League ee xalay ay ka gaadheen Inter Milan, waxa uu sheegay inay u hibeeyeen labadii ciyaartoy ee kooxda ka geeriyoday ee Antonio Puerta iyo Jose Antionio Reyes.

Kooxda reer Spain ayaa finalka Europa League waxay 3-2 ku garaacday Inter Milan oo ay ku kulmeen magaalada Cologne Jimcihii, waxaanay u ahayd markii lixaad ee ay finalka tagaan ee ay koobka qaataan, iyo koobkii afraad ee Europa League ah ee toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ay ku guuleystaan.

Koobkan ayaa sidoo kale u ahaa Sevilla midkii ugu horreeyey ee ay hantiyaan tan iyo shilkii naxdinta lahaa ee uu sannadkii hore ku geeriyooday halyeygoodii Jose Antonio Reyes.

Tababare Lopetegui oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guushan ay ku maamuusayaan, una hibeeyeen Reyes iyo Puerta oo labadooduba geeriyooday, waxaanu yidhi: “Aniga farxad weyn ayay ii tahay, sidoo kalena taageereyaasha. Guushan waxaanu u hibaynay Puerta iyo Reyes iyo qof kasta oo na jecel.”

Ciyaartoyda Sevilla waxay soo xidheen garamo ay ka muuqdaan sawirrada Pueta iyo Reyes markii ay koobka u dabbaal-degayeen, waxaana Lopetegui oo sii faahfaahinaya uu yidhi: “Guushan waxa iska leh iyaga (Puerta iyo Reyes) iyo dhamaan taageereyaasha Sevilla, kuwaas oo naga caawinayay in aanu jannada galno. Qof kasta ayaa iska leh guushan.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.