Maxaa La Cusub Heshiiska Ay Liverpool Ku Doonayso Thiago Alcantara Kaddib Hanashadiisii UEFA Champions League Ee Xalay?

Waxa kor usoo kacaya fursada ay kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Premier League ee Liverpool kula saxeexanayso khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara kaddib markii uu xalay qaabkii ugu quruxda badnaa ku dhammaystay xilli ciyaareedkan 2019-20.

Thiago ayaa sameeyay wixii ugu wanaagsanaa ee uu ciyaaryahan la samayn karayay koox uu u ciyaaro isaga oo saddexleyda koobabka ah ee Champions League, Bundesliga iyo DFB Pokal la wada qaaday Bayern.

Thiago ayaa markale qaab ciyaareed qurux badan soo sameeyay kulankii ay xalay 1-0 ka kaga adkaadeen Paris Saint-Germain iyaga oo goolka madiga ah ee kala duwanaanshaha sameeyay uga mahad celinaya Kingsley Coman.

Thiago oo 86 daqiiqo ka ciyaaray kulankaas ayaa ahaa xiddigii sameeyay baasaskii ugu badnaa ciyaarta oo dhan iyadoo qaab ciyaareedkiisaas degenaanta lahaa uu kasoo caawiyay Bayern Munich inay kulanka maamulkiisa lahaato.

29 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa Bayern dhacayaa xilli ciyaareedka dambe dhammaadkiisa waxaana jira warar la xidhiidhinaya Liverpool iyo inuu ka hoos shaqayn doono tababare Jurgen Klopp.

Haddaba, wargeyska Germany ka hawl-gala ee Del Spiegel ayaa kaddib ciyaartii xalay sheegay inay hubaal tahay in Thiago Alcantara uu suuqa xagaagan u wareegi doono dhinaca Liverpool oo uu heshiiskaasi qabsoomayo.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in wakhtigii Thiago ee Allianz Arena uu kusoo dhammaaday toddobadaas sano ee uu joogay isla markaana hanashada Champions League ay noqonayso bixitaankii ku haboonaa ee uu macasalaamayn ku samayn lahaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.