Maxaa Ka Xaqiiqo Ah In Kulanka Adag Ee Barcelona vs Napoli Ee Champions League Laga Rarayo Camp Nou? Xog Cusub Oo Soo Baxday

Ka qabsoomidii gegida Camp Nou ee kulanka UEFA Champions League ee dhex marayay kooxaha Barcelona iyo Napoli ayaa ah mid halis ku jirta kaddib markii uu gobolka Catalonia dib uga dilaacay caabuqa saf-marka ah ee Korona.

Kooxahan ayaa lugtii hore kusoo ciyaaray Talyaaniga kulan kusoo dhammaaday 1-1 waxaana la filayay in bishan soo socota ee August lagu kala calaf-qaadi doono Camp Nou isla markaana kooxda soo baxdaa ay wareega siddeed dhammaadka u gudbi doonto.

The Champions League and FC Barcelona v Napoli postponed announces ...

Sida uu sheegayo il-wareedka ree Spain ee RAC1, kulankaas Barca vs Napoli ayaa gabi ahaanba laga rari karaa Camp Nou sababtoo ah inay Catalonia kor uga sii kacayaan tirada kiisaska dadka laga helayo xanuunka Korona.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa weydiiyay waaxda caafimaadka ee dawlada Catalonia faah-faahin ku saabsan xaalada caafimaad ee gobolka oo la xidhiidha xanuunka Korona.

Go’aanka lagu go’aaminayo haddii kulankaasi uu sidii la filayay ee caadiga ahayd uga qabsoomi doono Camp Nou iyo haddii la wareejin doono ayaa la gaadhi doonaa iyadoo lagu salaynayo jawaabta ay UEFA ka hesho waaxda caafimaadka ee dawlada Catalonia.

Kooxda ay arrintani sida gaarka ah ugu saabsan tahay ee garoonkeeda lagu balansanaa ee Barcelona ayaa la sheegayaa inaysan wali wax war ah ka helin sida ay wax u socdaan iyo haddii kulanka la wareejinayo.

Si kastaba ha ahaatee, haddiiba ay dhacdo oo ciyaartan laga wareejiyo Camp Nou ayay u badan tahay in lagu ciyaari doono dalka Portugal oo marka laga gudbo wareegan 16-ka dhammaan wareegyada kale ee Final-ka halkaas loo qorsheeyay markii horeba.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.