Marcus Rashford Oo Xalay Lagu Daray Liiska Halyeeyada Man United Ee U Ciyaaray Xulka Qaranka England – Muxuu Ku Mutaystay?

Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa ku biiray liiska halyeeyadii waaweynaa ee soo maray xulka qaranka England, kaddib markii uu gool u dhaliyey kulankii ay xalay 2-1 kaga adkaadeen Belguim oo garoonka Wembley ay ku wada ciyaareen.

Marcus Rashford ayaa barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Bobby Charlton, David Beckham iyo Wayne Rooney markii uu goolka koowaad u dhaliyey England kulankii UEFA Nations League ee ay Axaddii ku garaaceen Belgium.

Rashford ayaa kubad rikoodhe ahayd daba-mariyey goolhaye Simon Mignolet ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, kaas oo mid uu ku barreeyey Romelu Lukaku oo laad xor ah ku furay goolasha kulanka.

22 jirkan ayaa loo diiwaangeliyey in afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee xulka qaranka England uu u saftay uu dhamaantood goolal dhaliyey, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee Manchester United ah ee sidan oo kale sameeya, waxaana kaliya uga horreeyey Bobby Charlton, David Beckham iyo Wayne Rooney oo isagu laba jeer rikoodhkan oo kale sameeyey.

Inkasta oo afartan gool ee uu Rashford dhaliyey ay ku qaadatay muddo 12 bilood ah, haddana waxay ahaayeen afar ciyaarood oo isku xiga maadaama inta kale aanu dheelin.

Goolka koowaad ayuu ka dhaliyey Bulgaria markii ay taariikhdu ahayd October 14, 2019, waxaanu ahaa kulan Ingiriisku ku badiyey 6-0 oo ka tirsanaa isreeb-reebka Euro 2020.

Waxa goolkiisa labaadna uu ka dhaliiyey kulankii ay 7-0 Ingiriisku ku garaaceen Montenegro oo goolka afraad uu dhaliyey, halka goolkiisa saddexaadna ahaa Kosovo oo ay 4-0 kaga adkaadeen afar maalmood kaddib guusha Montenegro.

Goolka uu dhaliyey Axaddii ayaa ahaa kii afraad ee xidhiidh ah, halka wadartiisa guudna uu ka dhigayo midkii 11aad ee uu u dhaliyo England oo uu u saftay 39 ciyaarood.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.