Manchester United Oo Ka Qoomamaysa Iibintii Romelu Lukaku – Waa Maxay Sababtu?

Manchester United ayaa ka qoomamoon doonta inay iska iibisay Ciyaaryahanka Romelu Lukaku oo waqti cajiib ah ku qaadanaya kooxda Inter Milan, kana caawiyey inay gaadhaan finalka Europa League, isla markaana dhigay rikoodh ah in toban ciyaarood oo xidhiidh ah oo tartankan ah oo uu saftay uu dhamaantood goolal dhaliyey.

Wiilasha Antonio Conte ayaa gaadhay finalka Europa League iyagoo uga mahadcelinaya guushaasi bartilmaameedka Barcelona ee Lautaro Martinez iyo weeraryahankii hore ee Red Devils ee Romelu Lukaku oo iska kaashaday goolasha ay ku xasuuqeen Shakhtar Donetsk oo ay ku garaaceen 5-0.

Labadan xiddig ee kooxda Inter ee laga yaabanyahay ayaa ku jira qaab ciyaareedkoodii ugu caajibsanaa, iyaga oo min laba gool u dhaliyey kooxdooda kulankii xalay, halka Manchester United oo xagaagii hore iibisay Lukaku ay qaab qalbi jab ah kaga hadhay tartankan oo ay wareeggii semi-finalka kusoo reebtay Sevilla oo finalka ay isku haleeli doonaan Inter Milan.

Inter ayaa wajihi doonta Kooxda Sevilla Finalka Europe League ka dib markii kooxda reer Spain ay ciqaabtay wiilasha Ole Gunnar Solskjaer kuwaas oo Gool la hormaray qeybtii hore ciyaarta isla markaana 2 Gool loogu bedelay taas oo Man United ka dhigay in saddex xilli Ciyaareed aanay wax koob ah ku guuleysan.

Ka sokow rikoodhka cajiibka ah ee Lukaku uu xalay diiwaangashaday ee ah in toban ciyaarood oo xidhiidh ah oo Europa League ah uu goolal ka dhaliyey, isku geynta goolashiisa xili ciyaareedkuna ay noqotay 33 gool, waxay taasi dhibaato ku tahay Manchester United oo qoomamaynaysa in ay wayday ciyaartoy tayadiisu halkaas gaadhsiisan tahay, isla markaana awood u leh inuu xili ciyaareedkii dhaliyo 30 gool iyo ka badan.

Marka laga yimaaddo Lukaku, waxa kale oo wacdarihii uu xalay dhigay Lautaro Martinez uu soo jeediyey indhaha kooxda Barcelona oo laacibkan raadinaysa, taas oo xaaladda xun ee ay ku jirto waqtigan oo ay xasuuq kala soo kulmeen Bayern Munich ay ku keenayso in ay suuqa galaan oo ciyaartooyo wax kusoo kordhin kara naadiga ay lasoo wareegaan, waxaana ugu horreeya laacibiintan weeraryahankan reer Argentine.

La yaab ma ahan in kooxda reer Catalania ay diyaar u yihiin inay 100 milyan ginni iyo ka badan ka bixiyaan 22 jirka reer Argentine maxaa yeelay waa ciyaaryahan da’yar ah isla markana xirfadle ah.

Sida la fahansan yahay, Final Europe League waxaa ciyaari doono saddex ciyaaryahan oo Man United kasoo tagay oo dhamaantooda u wada ciyaaro kooxda Inter Milan waana Lukaku, Ashley Young oo bandhig cajiib ah ku qaadanaya kooxdiisa cusub iyo Alexis Sanchez uu rajeynayo inuu ku soo bilowdo kulanka Sevilla ka dib markii lagaga tegay kursiga keydka habeenkii Isniinta.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.