Manchester United Oo Ka Walaacsan Isbeddel ‘Maxkaxeed iyo Jidheed’ Oo Ku Dhacay Xiddigeeda Bruno Fernandes – Maxaa Sababay Isbeddelkan?

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ka walaacsan tahay xaaladda xiddigeeda khadka dhexe ee Bruno Fernandes oo qaab ciyaareedkiisa isbeddel ku dhacay.

Laacibka reer Portugal oo qaab ciyaareed wanaagsan kula bilowday Manchester United markii ay kala soo saxeexatay Sporting Lisbon bishii January ee sannadkan, isla markaana dhaliyey 14 gool iyo toban caawimood 26 kulan oo uu u saftay ayaa waxa la beddelay ciyaartii ugu dambaysay ee kooxdiisa burburka weyni kasoo gaadhay ee Tottenham ku karbaashtay 6-1.

Fernandes oo noqday xiddiga ugu muhiimsan, uguna saamaynta badan kooxdiisa isla markii uu soo gaadhay Old Trafford, ciyaarihiisii ugu horreeyeyna ku kasbaday quluubta jamaahiirta kooxda, ayaa waxa uu gool-dhalinta u furay kooxdiisa kulankii Spurs, waxaanu ahaa rikoodhe waqti hore uu saxeexay.

Laakiin markii ay Tottenham sida daadka ugu dhaqaaqday Manchester United, waxa haftay Fernandes oo ay kubaddu iskugu hagaagi kari weyday, waxaanay taasi keentay in la bedde3lo.

Sida ay wararku sheegayaan, United ayaa waxay hadda ka walaacsan tahay isbeddel ‘maskaxeed iyo jidheedh’ oo ku yimid Fernandes, isla markaana ay kubaddiisu hoos usii socotay muddooyinkan dambe.

Warku waxa uu sheegay in United ay ka baqayso in Fernandes uu dareemayo cadaadis shaqsi ah, laakiin aanay taasi beddeli doonin doorka muhiimka ah ee uu kooxda ku leeyahay, isla markaana uu u baahan yahay nasasho, iyadoo tababaraha Portugal uu la dareemay arrintan oo uu nasiyey kulankii Portugal iyo Spain ee Arbacadii.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.