Manchester United Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiddigii Ay Muddada Raadinaysay Ee Jadon Sancho – Muxuu Yahay Qorshaha Cusub Ee Ay Damacsan Tahay United?

Warar Cusub oo dhawaan soo dhacay ayaa sheegaya in Kooxda Manchester United ay gabi ahaanba meel iska dhigtay doonistii saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho inta lagu guda jiro xagaagan suuqa kala iibsiga.

Red Devils ayaa si aad ah loola xiriirinayay 20 jirka bilihii ugu dambeeyay waxaana muuqatay inay dadaal ugu jirtay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen weeraryahanka ka hor xili ciyaareedka 2020-21.

Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in aanay dooneynin inay laacibkooda reer England ku tuuraan wax ka yar 108 milyan ginni, inkastoo mushaharka Sancho iyo wakiilka la rumeysan yahay inay sidoo kale caqabad weyn ku tahay.

Saaxibada Xiddiga reer England ee kooxda BVB ayaa la sheegayaa inay ku qanacsan yihiin inuu laacibkan uu sii joogi doono kooxda xagaagan, sida laga soo xigtay The Mirror, kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa iyadana diyaar u ah inay dib u dhigto heshiiska xiddigan ilaa 2021.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in heshiiska uu dhici karo inta uusaan dhamaan Suuqa kala iibsiga Xagaagan waa haddii labada kooxood ay heshiis iyo is afgarad ka gaadhaan arrinta xiddigan oo Red Devils u ahaa bartilmaameedkooda suuqa iibka xagaagan.

Kooxda Man United oo guul darayoon kasoo gaadhay Semi-Finalka Koobabka FA Cupka iyo Europa League ayaa waxay kaalinta Saddexaad ku dhameysteen Horyaalka England ee Premier League Xilli Ciyaareedkii dhamaaday.

Man United ayaa wax koob ah qaadin Xilli Ciyaareedkii Saddexaad oo xidhiidh ah waana sababta keentay in kooxda ay ku mashquulsan tahay suuqa kala iyada oo ugu yaraan dooneysa in saxiix muhiim ay sameyso xagaagan suuqa kala iibsiga.

Jadon Sancho ayaa xili ciyaareedkan dhaliyey 20 gool, sidoo kalena caawiye ka noqday 20 gool oo kale 44 ciyaarood oo uu u saftay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund, waxaana isasoo taraysa xirfaddiisa oo qaan-gaadh hadda ku dhow.

Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseynayaan xiddigii hore ee kooxda Manchester City.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.