Manchester United, Bayern Munich, Barcelona, Inter & 11ka Kooxood Ee Kusoo Wada Guuleystay SADDEXLEYDA Koobabka

PSG ayaa ku hamiyeysa inay dhinac iskaga leexiso Bayern Munich oo ay ku guuleysato tartanka Champions League, isla markaana ay ku biirto liiska kooxaha dhifka ah ee taariikhda Yurub ay u suurtogashay inay ku guuleystaan saddexlayda koobabka ah ee Champions League, horyaalka iyo koobka labaad ee dalalka laga ciyaaro.

Bayern Munich oo iyaduna hore liiskan u gashay xili ciyaareedkii 2012/13 ayaa doonaysa inay barbarrayso labada kooxood ee Barcelona iyo FC Porto oo min laba jeer saddexlayda koobabkan ah kusoo guuleystay.

Kooxda reer Germany ayaa xili ciyaareedkan qaybtiisii hore dhibaato kusoo dhex-jirtay, waxaana iyagoo meel hoose ku jira ay la kulmeen guul-darradii ugu xumayd oo 5-1 ay ku garaacday Eintratch Frankfurt, waxaana isla maalintaas oo ahayd bishii November shaqada laga caydhiyey tababare Niko Kovac iyadoo si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay Hansi Flick oo isbeddel layaab leh ku sameeyey kooxda.

Waxay Munich kusoo guuleysatay horyaalka Bundesliga oo markii siddeedaad oo xidhiidh ah ay gacanta ku dhigeen iyo DFB-Poskal Cup oo ay ku darsadeen iyagoo finalkii ku garaacay Bayer Leverkusen. Waxa kale oo ay joogaan finalka Champions League oo ay Axadda koobka ku kala qaadi doonaan PSG.

Haddii ay Bayern Munich ku guuleysato koobka, waxay noqon doontaa markii labaad ee ay saddexlayda koobabka ah ku wada guuleysato, laakiin PSG ayaa iyaduna liiska 11ka kooxood ee hore taariikhdan usoo sameeyey ku biiri doonta maadaama  ay French Cup iyo Ligue 1 hore ugu soo guuleysteen.

Halkan kaga bogo 11 kooxood oo saddexlayda koobabka ah kusoo guuleystay:

1. Celtic (1966/67)

2. Ajax (1971/72)

3. IFK Göteberg (1981/82)

4. PSV Eindhoven (1987/88)

5. Manchester United (1998/99)

6. Galatasaray (1999/00)

7. FC Porto (2002/03, 2010/11)

8. CSKA Moscow (2004/05)

9. Barcelona (2008/09, 2014/15)

10. Inter Milan (2009/10)

11. Bayern Munich (2012/13)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

5 Comments

  1. Lkn fc porto shime qaaday marka labaad 2010 2011 aa wixi larabo le ma nalo shega see waaye jdinka iga so saxa marka labaad mesha ey ku qaaday so raadiya

Leave a Reply

Your email address will not be published.