Manchester City Oo Bisha January Dhexda U Xidhan Doonta Heshiiska Lionel Messi – Miyaa Loo Ogol Yahay Inay Heshiis Lasii Gaadhaan?

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ka fiirsanaysa in bisha January ee soo socota ay u dhaqaaqdo xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi.

Man City ayaa ka shaqayn doonta inay heshiis hordhac ah oo shaqsi ah lasii gaadho Messi oo qandaraaskiisa Barcelona uu ku egyahay horraanta bisha June ee sannadka dambe, isla markaana hore  u shaaciyey inuu iskaga tegi doono kooxda marka uu xili ciyaareedku dhamaysto.

33 jirkan ayaa doonayay inuu Camp Nou ka baxo xagaagii tegay laakiin muran ka dhashay heshiiskii u ogolaa inuu tegi karo ayaa waxay keentay inuu ka laabto go’aankaas oo uu sii joogo inta uu si rasmi ah xor ugu noqonayo inuu iskaga tago kooxda uu waayihiisa oo dhan usoo ciyaarayay.

Manchester City ayaa la sheegay in Barcelona ay u gudbin doonto dalab £15 milyan oo Gini oo kaliya ah oo ay ku doonayso inay kula saxeexato Lionel Messi suuqa jiilaalka ee bisha January, taas oo ay rumaysan tahay in laga ogolaan doono maadaama lix bilood kaddib aanay xataa lacagtaas yar ka heli doonin oo si xor ah uu kaga tegi doono.

Omar Berrada oo ah Madaxa hawl-gallada kubadda cagta ee Manchester City ayaa hore u sheegay inay haystaan awood dhaqaale oo u saamixi karta inay lasoo saxeexdaan Lionel Messi xagaaga soo socda, taas oo uu uga jeeday inay mushahar badan siin doonaan balse ay si bilaash ah kusoo qaadan doonaan.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa ka shaqaynaya sidii ay kooxdiisu gacanta ugu dhigi lahayd Messi, waxaanu ka faa’iidaysanayaa xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay ciyaartoygan.

Man City ayaa ka cabsi qabta in haddii ay bisha January ka shaqayn waayaan  heshiiska Messi, in xagaaga ay dhici karto in Paris Saint Germain oo lacag badan haysata ay kula tartanto oo ay kaga guuleysato, iyadoo sidoo kalena ay jiraan kooxo ka dhisan waddanka Maraykanka oo xiisaynaya.

Juventus, Chelsea iyo Manchester United ayaa iyagana la sheegay inay soo geli karayaan tartanka Messi.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.