Man United & Real Madrid Oo Isku Haysa Ciyaartoy, Liverpool Oo Lagu Qabsaday Thiago, Chelsea Oo Heshay Goolhaye & Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaraha

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah.

Chelsea ayaa dardar gelinaysa dedaalka ay kula soo saxeexanayso goolhayaha Burnley ee Nick Pope oo ah 28 jir u dhashay England oo uu Lampard qorshaynayo inuu beddelo Kepa Arrizabalaga oo saluug laga muujinayo. (Star)

Manchester  United waxay wada-xaajood la bilowday difaaca Monaco ee Benoit Badiashile oo 19 jir ah, laakiin waxa kula tartamaya Bayern Leverkusen & Real Madrid. (TF1)

Tottenham ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Watford ee Troy Deeney oo ah 32 jir ay kooxdiisu heerka labaad u degtay. (Mail)

Crystal Palace waxay doonaysaa weeraryahanka reer Senegal ee Ismaila Sarr oo ah 22 jir ka tirsan Watford, qiimihiisana laguu sheegay £40 milyan, si uu ugu beddelo Wilfried Zaha oo la filayo inuu ka tago Selhurst Park. (Sun)

Manchester United waxay Inter Milan u sheegtay in Alexis Sanchez ah heshiis rasmiga ah ugula wareegi karaan £15 milyan oo Gini oo ay u shubaan Rec Devils.

Agaasimaha ciyaaraha AC Milan ee Paolo Maldini waxa uu sheegay in Zlatan Ibrahimovic oo 38 jir ah, ay rajaynayaan inuu qayb kasii ahaan doono kooxda xili ciyaareedka dambe. (ESPN)

Paris St-Germain waxay isku diyaarinaysaa inay u dalab ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Thiago Alcantara oo diyaar u ah inuu ka tago Bayern Munich. 29 jirkan ayay diiradda Liverpool saaran tahay. (Le10Sport)

Manchester City waxay danaynaysaa 28 jirka Barcelona ee Sergi Roberto, si uu ugu qabto boosaska khadka dhexe, difaaca ama garabyada, marka halka looga baahdo, waxaanu Pep doonayaa inuu qayb ka noqdo heshiiska Eric Garcia oo ay Barcelona si weyn u raadinayso. (Sport)

Everton ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd weeraryahanka kooxda ka dhacday Premier League ee Bournemouth ee Joshua King oo ah 28 jir u dhashay Norway. (Sun)

Everton waxa kale oo ay doonaysaa difaaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon, kaas oo ay dul-dhigtay lacag dhan £18 milyan. (Liverpool Echo)

Juventus ayaa tixgelin doonta haddii dalab laga soo gudbiyo 26 jirka Talyaaniga ah ee garabka uga ciyaara ee Federico Bernardeschi, gaar ahaan, waxay doonaysaa inuu qayb ka noqdo qorshe ay Manchester United kaga doonayso difaaca reer England ee Chris Samlling oo ah 30 jir waqtigan amaah kula joogo Roma. (Inside Futbol)

Leeds United waxay xiisaynaysaa difaaca bidix ee kooxda reer Belgium ee Genk ee Milad Mohammadi oo ah 26 jir u dhashay Iran, kaas oo ugu iman karaya £6.3 milyan. (Football Insider)

Weeraryahanka Real Madrid ee Borja Mayoral oo 23 jir ah, amaahna ugu ciyaara Levante, waxa uu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Talyaaniga ah ee Lazio. (Marca)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.