Man United Oo Old Trafford Barbaro Ugu Qabtay West Ham, Pogba Oo Solskjaer Xaalad Xun Ku Abuuray Iyo Fursada Leicester & Chelsea Oo Sii Waynaatay.

Man United ayaa Old Trafford barbaro ugu qabtay kooxda West Ham United oo gool kaga hor martay waxayna natiijadani sii xumaysay fursadii Man United ee kaalinta saddexaad waxayna United kulan final oo kale ah la ciyaari doontaa kooxda ay sida buuxda dagaalka u wada gali doonaan ee Leicester City oo ay maalinta xili ciyaareedka ugu danbeeya booqan doonto.

Pual Pogba ayaa sabab u noqday in West Ham ay gool kaga hor martay Man United kadib markii uu si aan la rumaysan karin uu kubbada labada gacmood ugu celiyay laakiin guuldaro United soo gaadhi lahayd ayuu ka badbaadiyay da’yarka Greenwood.

Man United wali waxay haysataa furad ay ugu soo bixi karto Champions League waxayna u baahan tahay in ay guulaysato ama ay barbaro la gasho Leicester City kulanka maalinta ugu danbaysa xili ciyaareedka ee King Power Stadium.

Laakiin waxaa hubaal noqon doonta in Man United ay Champions League seegi doonto haddii ay guuldaro kala kulamaan kooxda Branden Rodgers ee Leicester City taas oo guul ama geeri ka dhigaysa kulankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD

WEST HAM UNITED (4-2-3-1): Lukasz Fabianski; Ben Johnson, Issa Diop, Angelo Ogbonna, Aaron Cresswell; Tomas Soucek, Declan Rice; Jarrod Bowen, Mark Noble, Pablo Fornals; Michail Antonio.

Kaydka: Fabian Balbuena, Andriy Yarmolenko, Felipe Anderson, Manuel Lanzini, Jack Wilshere, Sebastien Haller, Arthur Masuaku, Darren Randolph, Conor Coventry.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Timothy Fosu-Mensah, Victor Lindelof, Harry Maguire, Brandon Williams; Paul Pogba, Nemanja Matic; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Anthony Martial.

Kaydka: Juan Mata, Jesse Lingard, Fred, Diogo Dalot, Daniel James, Odion Ighalo, Aaron Wan-Bissaka, Scott McTominay.

Man United ayaa kulankan ka doonaysay in ay kaga soo kabsato guuldaradii Chelsea ka soo gaadhay kulankii FA Cupka waxayna sidoo kale United doonaysay in ay markale isku daydo in ay kaalinta saddexaad ku sii fadhiisato maadaama oo ay ka hor ciyaaraysay Chelsea oo Liverpool marti u ahayd.

Laakiin West Ham oo ka mid ah kooxaha cabsida wayn ka qaba in ay horyaalka Premier League heerka labaad uga dhacdo ayaa Old Trafford iskeentay iyada oo doonaysay in ay dagaalka nafbaxa ah sii wado.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Man United ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay laakiin waxay haddana nasashada u baxeen iyaga oo hogaanka gool looga hayay.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa gool badbaadino xoogan ku qasbay goolhayaha West Ham United ee Lukas Fabianski laakiin West Ham oo difaacasho adag ku jirtay ayaa weeraro rogaal celis ah ku raadinaysay goolal.

DAQIIQADII 45 AAD West Ham United ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Pual Pogba si aan la rumaysan karin uu labada gacmood ugu celiyay darbo uu Rice ku tuuray goolhaye uu David De Gea ku jiray ee Man United waxayna taasi keentay in Hammers ay heleen fursad dahabi ah.

DAQIIQADII 45+2 aad Michail Antonio ayaa jahada qaldan u diray goolhayaha cadaadiska wayni saaran yahay ee David De Gea wuxuuna sidaa Antonio ku dhaliyay rekoodhihiisii ugu horeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Premier League oo dhan isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Hammers hogaanka kula wareegtay.

Markii lagu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxa uu Solskjaer ciyaarta ka saaray T. Fosu-Mensah oo ahaa xidigii galay qaladkii laaga xorta ahaa ee ay West Ham rekoodhaha ugu guulaysatay kaas oo sidoo kale kaadhka digniinta ah la siiyay waxaana ciyaarta la soo galiyay A. Wan-Bissaka oo kulankan kaydka la dhigay.

DAQIIQADII 51 AAD Da’yarka xili ciyaareedkan saamaynta layaabka leh yeeshay ee Mason Greenwood ayaa Man Uited ka saaray xaalada xun ee ay ku jirtay kadib markii uu goolka barbaraha ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Martial wuxuuna kulankani ahaa kulankiisii 50 aad ee kooxda kowaad isaga oo noqday da’yarkii ugu horeeyay ee United ah ee kulamadan oo kale gaadhay tan iyo Ryan Giggs.

Ciyaarta ayaa noqotay barbaro 1-1 ah waxaana bilaabantay xamaasad ay United ku raadinaysay goolka labaad si ay natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigto balse West Ham ayaa wali doonaysay in ay United xaalada ku sii adkayso.

Daqiiqadii 85 aad  Ighalo oo lagu badalay Rashford ayaa taabashadiisii ugu horaysay waxa uu ku dhalin gaadhay goolka ay United sida wayn u raadinaysay balse waxa uu arkay kubbada oo goolka wax yar u martay.

Wax walba oo ay Man United samaysay waxay si buuxda ugu fashilantay in ay wax gool kale ah dhaliso waxayna taasi keentay in ay barbaro 1-1 ah ku qabtay West Ham United oo sii wada dagaalka ay ku doonayso in ay Premier league baaqi ugu sii ahaato.

Man United waxay dhibco la wadaagtaa Chelsea oo hadda la ciyaaraysa Liverpool laakiin haddii ay Blues guul ka gaadho Liverpool ama ay barbaro la gasho waxay Chelsea ku soo labaan doontaa kaalinta saddexaad oo ay United hadda farqiga goolasha ugu sii jirto.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.