Man United Oo Isku Dayaysa Inay Thiago Alcantara Ka Af-Duubato Liverpool & Caqabada Ay La Kulmayaan Red Devils Oo La Ogaaday

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay isku day-day in Liverpool oo ay Premier League ku xifaaltamaan ay ka afduubato saxeexa kubad sameeyaha Bayern Munich ee Thiago Alcantara balse ay jirto caqabad ay la kulmeen.

Thiago ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay si aad ah loola xidhiidhinayaa inuu u wareegi doono Anfield iyadoo kooxda kusoo guuleysatay Premier League ay xiiso u muujinayso.

Man United ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay doonayaan saxeexa Alcantara xilli tababare Ole Gunnar Solskjaer uu rabo inuu xoojin ku sameeyo safkiisa xagaagan.

Warar laga helayo dalka Norway ayaa sheegaya inay jireen xidhiidho la sameeyay balse arrinta caqabada ahi ay tahay in mushaharka Thiago Alcantara ay Man United u aragto mid aad u badan.

Thiago ayaa kaliya 30 Milyan oo euro lagu heli karaa gudaha suuqan xilli uu door muhiim ah kasoo ciyaaray in Bayern Munich ay saddexleyda koobka ah kusoo guuleysato.

Madaxa fulinta Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay inay filanayaan in Thiago Alcantara uu dhawaan ka tagi doono kooxdooda.

Man United ayaan wali wax saxeex ah samayn gudaha suuqan balse waxa la aaminsan yahay inay dhammeeyeen waxkasta oo la xidhiidhay heshiiska Donny Van De Beek oo Ajax ka tirsanaa iyadoo la filayo inay ku dhawaaqi doonaan.

Taas bedelkeeda Liverpool ayaa la saxeexatay daafaca bidix ee Kostas Tsimikas xilli Jurgen Klopp filanayo in suuqani uusan mid aad u mashquul badan u noqon doonin kooxdiisa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

3 Comments

  1. Rabitanki saxixa Thiago ee Kooxda Liverpool iyay Man United mushkilad weyn ku noqoneysa madama ay Red Devils musharka qaliga Thiago Alcantra miska uso sartay……. Waa siden shekadu

  2. Rabitanki saxixa Thiago ee Kooxda Liverpool iyay Man United mushkilad weyn ku noqoneysa madama ay Red Devils mushar qali ah Thiago Alcantra miska uso sartay……. Waa siden shekadu

Leave a Reply

Your email address will not be published.