“Man United Mar Waa Heer Caalami Marna…..” – Xiddig Man City Ah Oo Aragti Ka Dhiibtay Man United Oo Uu Champions League Kula Kulmayo

Daafaca Manchester City qaabka amaahda ah kaga maqan ee Angelino oo jooga kooxda ree Germany ee RB Leipzig ayaa dhulka la galay kooxda uu xifaaltanku kala soo dhaxeeyay ee Man United oo uu Champions League kaga hortagi doono.

Man United ayaa Champions League hal Group kala tirsan kooxda ree Germany isla markaasna Old Trafford kulanka hore kusoo dhawayn doonta dhammaadka bishan.

We first have to see what is in the wallet' - RB Leipzig manager discusses future of on-loan Man City defender

RB Leipzig ayaa xilli ciyaareedkii hore wareega afar dhammaadka kaga hadhay Champions League oo ay Paris Saint-Germain ka reebtay, Angelino ayaa dib amaah ugu biiray kaddib markii uu qaybtii dambe ee 2019-20 lasoo qaatay.

Marka laga yimaado Leipzig iyo Man United, labada kooxood ee kale ayaa kala ah PSG iyo kooxda qudheedu adag ee horyaalka Turkey-ga soo qaaday ee Istanbul Basaksehir balse Angelino ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin kooxdaas.

Angelino ayaa xusay inuusan aqoon badan u lahayn Istanbul, PSG uu garanayo oo ay xilli ciyaareedkii hore Champions League kusoo kulmeen balse tilmaamay in Man United-na ay tahay koox marna fiican marna liidata taas oo bahdil ku ah Red Devils.

Daafaca bidix ee ree Spain ayaa yidhi “Anigu wax sidaas u badan kama garanayo Basaksehir, waxaanu ku garanaynaa Paris afar dhammaadka tartankii Lisbon”

“Waxa aan Manchester United ka arkay ilaa haatan, wakhtiyada qaar waa kuwo heer caalami ah wakhtiyada qaara waa kuwo dhex-dhexaad ah, maaha inaanu dhuumano”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.