Man United & Chelsea Oo U Soo Baxay Champions League, Liverpool & Arsenal Oo Guul Xili Ciyaareedka Ku Xidhay Iyo Natiijooyinka Kulamadii 38-Aad Oo Dhamaystiran.

Waxaa gabi ahaanba la soo gaba gabeeyay xili ciyaareedkii Premier League ee 2019/2020 waxaana kulamadii 38 aad ee halka mar la wada bilaabay ka soo baxay natiijooyin saamayn layaableh ku yeeshay tartamada Yurub iyo kaalmaha horyaalka heerka labaad loogu dhacayo.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa u soo baxay tartanka xiisaha badan ee Champions League waxaana murugo ku hadhay Leicester City oo intii aanu karoonuhu xili ciyaareedka joojin kaalinta saddexaad dhibco fiican ugu jirtay.

Chelsea ayaa meel iska saartay Wolves halka Man United ay booskeeda si rasmi ah uga riixatay Leicester City waxayna ahaayeen kulamada ugu xiisaha badan ee maalinta xili ciyaareedka ugu danbeeyay.

kooxda koopa Premier League ku guulaysatay ee Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ku dubatay Necastle United oo gool ku hor martay waxayna Reds xili ciyaareedka ku soo xidhatay guul iyada oo 99 dhibcood heshay.

Wolves 0-2 Chelsea

45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah laakiin Chelsea ayaa samaysay mucjiso layaableh intii lagu jiray dhawr daqiiqo oo ciyaarta lagu daray waxayna Blues waqtigii nasashada abuuratay jawi aanla rumaysan karin.

DAQIIQADII 45+1 Chelsea ayaa la timid goolkeeda ay Wolves wadnaha ku jartay wuxuuna ahaa gool cajiib ah oo ka yimid da’yarka saamaynta badan ee Mason Maunt kaas oo jamaahiirta kooxdiisa iyo Frank Lampard neefta ka soo saaray wuxuuna Mount ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Blues hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 45+4 Alla maxay waali ahayd! Olivier Giroud ayaa Chelsea u keenay goolka labaad ee ay sida layaabka leh ula timid dhamaadka qaybtii hore waxaana caawinta goolkan sameeyay da’yarkii Wolves dalooliyay ee Mason Mount.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Chelsea si layaableh hogaanka ugu qabtay, waxayna ciyaartoyda Blues garoonka ka baxeen iyaga oo ogaaday in Man United iyo Leicester City oo ay tartamayeen ay barbaro gool la’aan ah nasashadii ku baxeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Chelsea soo laabtay iyada oo masuuliyada ugu wayni ka saarnayd kaliya in ay hogaanka ciyaarta ilaashadaan isla markaana ay raadiyaan goolal kale marka ayna culays dareemayn.

Wolves ayaa dagaal wayn ugu jirtay in ay hesho xalkii ay ku dhaafi lahayd difaaca Chelsea balse ciyaarta qaybtii danbe ayaa noqotay mid adag oo ay Blues si adag u ilaashanaysay hogaanka.

Wolves ayaa gabi ahaanba ku fashilantay in ay soo laabasho samayso waxayna taasi Blues ka caawisay in ay guul 2-0 ah soo gaadhay waxayna Blues kaalinta afraad kaga soo baxay Premier League iyada oo Blues xaqiijisatay booskeeda Champions league.

Leicester City 0-2 Man United

Manchester United iyo Leicester City waxa uu kulankani u ahaa guul ama geeri iyada oo labada kooxoodba ay haysteen fursad ay ugu soo baxayeen Champions league balse waxay tartan kula jireen Chelsea oo qaybtii hore ee kulankii Wolves laba gool hogaanka ku haysay.

Man United waxay kulankan uga baahnayd babraro kaliya si ay ugu soo baxdo Champions League laakiin Leicester City ayaa ku qasbanayd in ay guul gaadho balse ciyaarta ayaa ahayd mid aan waxba layskula hadhin oo lugaha lays goosanayay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa noqotay mid gool la’aan ah inkasta oo ay Leicester City goolal u dhalin gaadheen Iheanacho iyo Ndidi.

Goolhaye David De Gea ayaa qaybtii hore sameeyay qalad wayn oo sabab u noqon gaadhay in Leicester City ay gool dhaliso waxaana jiray walal haystay jamaahiirta United oo ay ka cabsi qabeen in De Gea uu qaladaad xun sameeyo.

Laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kalanastay barbaro gool la’aan ah laakiin Man United iyo Lieceter City ayaa waqtigii nasashada ogaaday in Chelsea oo ay la tartamayeen ay 2-0 hogaanka kaga haysay Wolves.

Qaybtii labaad ee ciyaarta Leicester City ayaa ku jirtay dagaal waali ah waxayna United ahayd mid cadaadis ka dareemaysya weerarka Foxes balse Red Revils ayaa baadi goob ugu jirtay in ay hesho fursad ay Leicester City xaalada ugu sii xumayso.

Leicester City ayaa noqotay koox weerar badan ku ciyaaraysay iyada oo Rodgers uu isbadalo sameeyay laakiin fursad luminta weerarka Foxes ayaa Man United waxtar badan u ahayd..

DAQIIQADII 69 AAD Man United ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii uu Evans qalad ku galay Martial kadib markii uu Choudhury kubbad dilaa ah lumiyay waxaana Foxes lagu dhigay rekoodhaha wadnaha hoos u gooyay.

DAQIIQADII 71 AAD Waxaa Man United goolka qiimaha wayn lahaa ee rekoodhaha ah  u saxiixay Bruno Fernandes kaas oo jahada qaldan u diray goolhayaha Leicester City waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Man United ku heshay gool dhulka dhigay Leicester City.

TAARIIKH: Man United ayaa lagu abaal mariyay rekoodhihii 14 aad ee xili ciayareedka Premier league waana tiradii rekoodhayaal ee abid hal koox oo Premeir League ah lagu abaal mariyay.

Image

Daqiiqadii 76 aad Alla Maxay Fursad Badbaadin ahayd! Goolhaye David De Gea ayaa gool badbaadin wayn ka sameeyay Barnes  oo kubbad meel dhaw kaga taabtay waxayna Leicester City sii waday khasaarinta fursadaha waa wayn.

Man United ayaa bixinaysay fursado ay Leicester City si buuxda ciyaarta ugu soo laaban kartay balse cadaadiska ciyaartu ku haysay xidigaha Liecester City ayaa u diidaysay in ay deganaansho gool ku raadiyaan.

Dhamaadkii ciyaarta waxaa kaadhka cas loo taagay difaaca Leicester City ee Jonny Evans laakiin ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay Jesse Lingard ayaa niyadjabka Leicester City is raaciyay wuxuuna dhaliyay goolka labaad waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Man United ku garaacday Leicester City waxayna sidaa United kaalinta saddexaad ugaga soo baxay Champions league.

Newcastle United 1-3 Liverpool

Jurgen Klopp ayaa gab ahaanba ku soo shir tagay shax weerar cusub leh isaga oo aan shaxdiisa ku soo bilaabin ciyaartoydii koobka Premier league ka soo caawiyay ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

DAQIIQADII 1 AAD Newcastle United ayaa si layaableh ciyaarta ugu bilaabtay kadib markii uu D. Gayle dhaliyay goolka furitaanka oo 30 ilbidhiqsi oo kaliya qaatay wuxuuna ahaa goolkii ugu deg dega badnaa ee xili ciyaareedkan Liverpool laga dhaliyay.

Image

D. Gayle ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay xidigii hore ee Liverpool ee Shelvey waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Newcastle United hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD Liverpool ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu difaaca dhexe ee Virgil Van Dijk uu ka faa’iidaystay kubbad caawin uu ka helay Oxlade-Chamberlain isla markaana uu kooxdiisa Reds u dhaliyay goolka barbaraha.

Liverpool oo inta badan kubbada maamulaysay ayaa qaybtii hore ku fashilantay in ay wax goolal kale ah dhaliso waxaana lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 59 AAD Liverpool ayaa gabi ahaanba natiijada ciyaarta dhinaca kale u dhigtay kadib markii uu Origi dhaliyay gool cajiib ah isaga oo kubbad ka helay  Robertson laakiin qaabka uu Origi uga yaabaday goolhaye  Dubravka ayaa noqotay mid cajiib ahayd waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Reds hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 64 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Mohamed Salah, Robeerto Firmino iyo Sadio Mane wuxuuna saaray Origi, Minamino iyo Oxlade-Chamberlain.

DAQIIQADII 89 AAD Sadio Mane ayaa sii kordhiyay dagaalkiisa abaal marinta xidiga sanadka ee premeir League ugu fiican wuxuuna dhaliyay goolka saddexaad ee ay Liverpool sida rasmiga ah ugu xaqiijisatay guusha ay xili ciyaareedkan ku soo xidhatay.

Sadio Mane ayaa goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay saaxiibkiisa ay kaydka ka soo wada baxeen ee Roberto Firmino waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Reds ciyaarta hogaankeeda ugu dheeraysatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Reds guul soo laabasho cajiib ah ugu dubatay Newcastle United waxayna Reds xili ciyaareedka ku soo xidhatay guul ay ku gaadhay 99 dhibcood oo Premier League ah.

Arsenal 3-2 Watford

Arsenal ayaa shaqadeeda qabsatay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna saddex gool ugu qubeeyeen kooxda Watford iyada oo Aubameyang uu helay fursadihii uu doonayay si uu maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysay u sii laba jibaaro difaacashada kabta dahabka ah.

Daqiiqadii 5 aad Aubameyang ayaa daah furay goolasha Arsenal wuxuuna xaalad xun ku abuuray kooxda martida ahayd ee Watford isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Gunners xili horeba ay Arsenal hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 24 aad Arsenal ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana goolkan u saxiixay xidiga saamaynta cusub la soo baxay markii uu fursada buuxda helay ee Kieran Tierney waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Arsenal hogaanka ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 33 aad Arsenal ayaa keensatay goolkeeda saddexaad waxaana goolkiisa labaad ee kulankan oo rekoodhe ahaa dhaliyay Aubameyang kaas oo natiijada ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Gunners ku dubanayso Watford.

TAARIIKH MADOW: David Luiz ayaa noqoday difaacii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee hal xili ciyaareed lagu dhigay 5 rekoodhe kadib markii uu Watford siiyay fursada gool ku laad loogu dhigay waxaana rekoodhahan gool ku dhaliyay Troy Deeney daqiiqadii 43 aad ee dhamaadkii qaybtii hore.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay Arsenal laba gool hogaanka ku haysay laakiin Watford ayaa wali raadinaysay sidii ay ciyaarta wax uga heli lahayd.

Daqiiqadii 66 aad ee qaybtii labaad xidigii hore ee Arsenal ee Danny Welbeck ayaa Watford u keenay goolka labaad ee ay rajadooda ku soo nooeeyeen waxayna ciyaartu noqotay 3-2 ay hogaankii Gunners ee saddexda gool ahaa hal gool lagu soo yareeyay.

Watford ayaa dhamaadkii ciyaarta raadinaysay goolka barbaraha laakiin Gunners ayaan guusha faraha ka qaadin waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-2 ay Arsenal ku garaacday Watford.

Kooxaha Heerka labaad U Dhacay:

Kooxaha Watford iyo Bournemouth ayaa ku biiray Norwich City waxayna saddexdan kooxood noqdeen kooxaha horyaalka heerka labaad u dhacay waxaana badbaaday kooxaha Aston Villa iyo West Ham United oo kulan xiiso badan dhexdooda ka ciyaaray.

Kala saraynta Premier League ee kama danbaysta ah

Image

Natiijooyinka Kulamadii 38 aad oo dhan:

Arsenal 3-2 Watford

West Ham 1-1 Aston Villa

Everton 1-3 Bournemouth

Chelsea 2-0 Wolves

Leicester 0-2 Man United

Burnley 1-2 Brighton

Crystal Palace 1-1 Spurs

Man City 5-0 Norwich

Newcastle 1-3 Liverpool

Southampton 3-1 Sheffield Utd

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.