Man United, Chelsea, Leicester City, Wolves, Sheffield United, Arsenal & Tottenham Oo Gaanaxa City Laga Qaaday Uu Culayskii Ugu Waynaa Ku Saarayo Kaalmaha Tartamada Yurub.

Kadib markii Manchester City laga dul qaaday labadii sanadood ee Champions league laga ganaaxay waxaa hubaal noqotay in laba kaalmood oo kaliya ay ku tartami doonaan todobada kooxood ee kala ah Man United, Chelsea, Leicester City, Wolves, Sheffield United, Arsenal iyo Tottenham.

Waxaa jirtay rajo ay kooxaha kaalmaha sare ku tartamayaa ka qabeen in kooxda kaalinta shanaad ku dhamaysataa ay u soo bixi kartay Champions league haddii uu ganaaxa Man City sii jiri lahaa laakiin hadda kaalinta saddexaad iyo afraad oo kaliya ayaa ka dhexayn doonta dagaalka kooxo badan.

Laakiin kuma koobna oo kaliya u soo bixitaanka Champions league balse waxa uu ganaaxa Manchester City laga qaaday sii xumeeyay rajadii kooxaha Europa League u soo baxaya iyada oo hadda ay soo yaraatay tiradii kooxaha ee fursada heli lahaa haddii City ganaaxa lagu sii ahayn lahaa.

Manchester United waxay caawa fursad u haysataa in ay kaalinta saddexaad ee Premier league soo gali karto kadib guuldarooyinkii layaabka lahaa ee soo gaadhay kooxaha Chelsea iyo Leicester City oo wali ku sii jira kaalinta saddexaad iyo afraad ka hor kulanka United.

Laakiin kooxaha Leicester City, Man United iyo Chelsea laba ka mid ah ayaa u muuqda in ay kaalinta saddexaad iyo afraad ee Champions league loogu soo baxayo ay buuxin doonaan waxayna taasi keeni doontaa in Wolves, Sheffield United, Arsenal iyo Tottenham oo lagu daray mid ka mid ah Man United, Chelsea iyo Leicesrter City ay ku dagaalami doonaan boosaska Europa League loogu soo baxayo.

Waxayna tani la micno tahay in labada kaalmood ee Champions league iyo kaalmaha Europa League ay hadda ka dhexeeyaan 7 kooxood oo kala ah Man United, Chelsea, Leicester City, Wolves, Sheffield United, Arsenal iyo Tottenham waxaana xaalada sii adkaysay in Man City ganaaxii laga qaaday.

Haddii ay Man United ka guulaysato Southampton waxay heli doontaa fursad layaableh oo ay Champions league ugu soo bixi karto United maadaama oo ay Leicester City iyo Chelsea noqdeen kooxo daala dhacaya oo aan qaab ciyaareedkooda joogtayn karin.

Man United ayaa ku jirta qaab ciyaareed heer sare ah waana sababta ay hadda United u tahay kooxda ugu cad cad ee Liverpool iyo Man City ku soo raaci doonta Champions league halka kaalinta afraad ay noqon doonto kaalinta ugu dagaalka badan ee ilaa maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa.

Haddii xaqiiqda la eego kooxaha Arsenal, Tottenham, Wolves iyo Sheffield United ayaan hadda rajo badan ka qabin in ay Champions league u soo baxayaan waxayna dagaalka ugu wayn ku gali doonaan kaalmaha Europa League loogu soo baxayo.

Table

Table 

Saddex qaab ayaa si toos ah  loogu soo baxaa Europa league waxayna kala yihiin in ay kooxdu ku dhamaysato kaalinta shanaad ee Premeir league, in ay kooxdu ku guulaysato FA Cupka ama ay ku guulaysato Carabao Cup, haddii kale waxay kooxuhu soo galaan isreeb reeb.

Haddaba akhriste, afartee kooxood ayaad filaysaa in ay Champions League ku matali doonaan kubbada cagta England xili ciyaareedka cusub inkasta oo Liverpool iyo Man City ay booskooda xidheen?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.