Man City Oo Heshiis La Gashay Koulibaly, Arsenal Oo Tijaabada Caafimaadka Loo Maray, Leeds Oo Xiddigii Barcelona Weyday La Saxeexanaysa Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Sabti ah:

Arsenal waxay qarka u saaran tahay inay dhamaystirto saxeexa difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes. 22 jirkan ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka kaddib markii kooxdiisa Lille iyo Arsenal ay ku heshiiyeen qiime dhan £27 milyan oo Gini. Gunners ayaa laacibkan u bandhigtay heshiis shan sannadood ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo. (Times)

Manchester United iyo Napoli ayaa Arsenal kula tartamayay Gabriel Magalhaes. (Daily Star)

Manchester United waxay dalab £27 milyan oo Gini ah ka gudbisay garabka weerarka Juventus ee Douglas Costa, laakiin kooxda haysata horyaalka Serie A ayaa doonaysa £9 milyan oo Gini oo dheeraad ah. (Joe)

Chelsea waxay ku dhow dahay inay dhamaystirto heshiis ay kula soo wareegayso laacibka khadka dhexe uga ciyaara Jarmalka iyo Bayern Leverkusen ee Kai Havertz, kaddib markii ay wada-hadallo dheeraad ah labada kooxood ka yeesheen lacagta ay ku kala iibsanayaan. (Guardian)

Chelsea waxay wada-hadallo heerkoodu meel fiican marayo kula jirtaa difaaca Paris St-Germain ee Thiago Silva, waxaanay si xor ah ula wareegi doontaa marka Axadda marka la ciyaaro finalka tartanka Champions League. (The Athletic)

Goolhayaha Lille ee Mike Maignan oo 25 jir ah, waxa uu bartilmaameed u yahay Chelsea. (Le10Sport)

Manchester City waxay heshiis la gaadhay difaaca Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee Kalidou Koulibaly. (Sport Illustrated)

Ciyaartoyda  Borrusia Dortmund ayaa waxay kalsooni buuxda ku qabaan in weeraryahankooda Jadon Sancho oo lala xidhiidhinayo Manchester United uu sii joogi doono Bundesliga sannad kale, iyadoo uu haddana ula baxay safarka xagaaga. (Telegraph)

Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo waxa uu burburiyey heshiisyadii ay kooxdu kula jirtay weeraryahanka reer Argentine ee Gonzalo Higuain oo 32 jir ah iyo kubbad-sameeyaha Jarmalka ah ee Sami kHedira oo 33 jir ah. (Mirror)

Everton waxay dalab u dirtay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Watford ee u dhashay waddanka Faransiiska ee Abdoulaye Doucoure, waxaanay u ballan-qaaday in toddobaadkii ay siin doonaan lacag dhan £120,000 Gini. (Football Insider)

Leeds United waxay bartilmaameed ka dhigatay weeraryahanka Valencia iyo xulka qaranka Spain ee Rodrigo oo 29 jir ah. (Mail)

Tababaraha Leeds United ee Marcelo Bielsa waxa uu shiishkiisu saaran yahay difaaca Freiburg ee Robin Koch oo 24 jir ah, kaddib markii ay waayeen halbowlaha Brighton ee Ben White. (Sun)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.