Man City, Man United Mise Juventus? Saxeexa David Alaba Oo Bilaash Lagu Heli Karo Oo U Muuqda Mid Lagu Kala Calaf-Qaaday

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lasoo sheegayaa inay wadahadalo horumar leh kula jirto daafaca bidix ee Bayern Munich ee David Alaba kaas oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana bilaash lagu heli karo.

Alaba oo 28 sano jir ah ayay ka go’antahay inuu iskaga tago Bayern kaddib mudo dheer oo uu kooxdaas soo joogay, Juventus ayaa horay ka bilawday wadahadala ay ku doonayso sida lagu sheegay wargeyska Sportmediaset.

Bayern: David Alaba negotiations in Lisbon? - Rummenigge to meet agent | Transfermarkt

SportMediaset ayaa sidoo kale sheegaya in sababtoo ah in xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo labada kooxood ay Juventus awoodi karto inay Alaba saxeexiisa dhammaystirto suuqa bisha January.

Marka laga yimaado wararka la xidhiidhinaya inuu baxayo, Bayern Munich ayaan doonayn inay weydo daafaceedan bidix ee khibrada badan leh iyagoo si cad saxaafada uga sheegay inay u dagaalami doonaan inuu sii joogo.

Xagaagii oo dhan ayay jireen warar la xidhiidhinaya inuu iskaga tagayo Allianz Arena iyadoo ay jiraan kooxo waaweyn oo xiiso usoo muujiyay saxeexiisa.

Manchester United, Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa dhammaantood soo muujiyay rabitaankooda ah saxeexa Alaba.

Walow ay Juve hadda tahay kooxda ugu cad cad saxeexa Alaba haddana xiddiga ree Austria ayaa isku dayi kara inuu tababarihiisii hore ee Pep Guardiola Man City kula midoobo.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.